Madaxweyne Siilaanyo oo dhaqan-geliyay waqtiga ay Komishanka Doorashooyinku u qabteen qabsoomida doorashada Deegaanka
Hargeysa 16, August 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhaqan-geliyay waqtiga ay Guddiga Doorashooyinka Qaranku u cayimeen qabsoomida doorashooyinka raagay ee Deegaanada.
Sida lagu sheegay qoraal kooban oo afhayeenka Madaxweynuhu soosaaray, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu soosaaray xeer uu ku dhaqangeliyay waqtiga ay Komishanku u cayimeen doorashada oo ah November 28, 2012, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo numberkiisu tahay JSL/M/XERM/249-1263/082012 ku dhaqan-geliyey xeerka cayimaada wakhtiga doorashada golayaasha deegaanada.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 8aad ee Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanada iyo Madaxtooyada Xeer Lr: 20/2001,
Markuu helay: Go’aanka ay Guddiga Doorashooyinka Qaranku ku
cayimeen in Doorashada Golayaasha Deegaanku qabsoonto Maalinta
Arbacada ee 28ka bisha November 2012 oo ku beegan 14 Bisha Muxaram
taariikhda hijriga.
Wuxuu Soo Saaray
Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka cayimaada WAKHTIGA DOORASHADA GOLAYAASHA DEEGAANADA oo la qaban doono Maalinta Arbacada 28ka November 2012.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com