|

Kooxaha Raaskaanbooni iyo Shabaabka oo wada dedaalo lagu kala jiidanayo beelaha Kismaayo

Kismaayo Aug 16,2012(SDN)-Magaalada Kismaayo ayaa waxa ka socda dedaalo ay kooxaha Raaskaanbooni iyo Al Shabaab ayaa wada dedaalo ay ku kasbanayaan beelaha ku nool magaalada Kismaayo.

Magaalada ayaa waxa ku wejahan duulaan ay wadajir ugu qaadayaan magaaladaasi ciidamada AMISOM,Itoobiya iyo kuwa Raakaanbooni.

Magaalada ayaa waxa ku socday madaafiic laga soo tuurayay maraakiib baddweynta ku sugan oo ay ku bartilmaansanayeen goobo magaalada ku yaal oo xarumo u ah ciidamada Shabaabka.

Kooxaha Shabaabka iyo Raaskaanboni ayaa odey dhaqameedka magaalada Kismaayo ka dalbanayay maalmihii u danbeeyay wada shaqeyn.

Kooxda Shabaabka ayaa kor u qaaday canshuuro ay ka qaadaan dadka reer Kismaayo sidoo kalena waxa ay dhamaan beelaha magaalada ka dalbadeen in ay keenaan 150 dagaal yahan.

Halka kooxda Raaskaanbooni ay waday maalmihii u danbeeyay wadahadalo awood qeybsi ah oo salka ku haya dhisida maamulka xilka kala wareegi doona Shabaabka.

Waxa Raaskaanbooni ay ka baqo qabtaa in beeluhu maamulka ku dagaalamaan kolka shabaabka laga saaro Kismaayo.

Si kastaba ha ahaatee Shabaabka ayaa isku diyaarinaya dagaalkii u danbeeyay ee ay ku difaacayaan degaanka ugu muhiimsan ee gacatooda ku sii haray.

SDN-Kismaanyo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed