Kenya iyo Itoobiya oo ka dooday waxa xigi doona qabsashada Kismaayo
Nairobi Aug 16,2012(SDN)-Waxa magaalada Nairobi shir ku lahaa maalmihii ina dhaafay wufuud ka kala socotay dalalka Itoobiya iyo Kenya oo ka arinsanayay waxa ay ka yeelayaan kolka ay ciidamadoodu gacanta ku dhigaan magaalada Kismaayo.
Ciidamada labada dal iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii u danbeeyay isu diyaarinayay sidii ay magaaladaas uga saari lahaayeen ciidamada kooxda Al Shabaab oo mudo sanado ah halkaa ka ariminayay.
Dawlada Itoobiya ayaa walaac ka muujisay qorshe ay Kenya wado oo ay dooneyso in ay degaanada Jubooyinka ugu sameyneyso maamul.
Maamulkaas oo ay Itoobiya ku andacooneyso cida u madaxda ahi in ay xiriir dhaw la leedahay kooxda ONLF ee ka dagaalanta gudaha dalka Itoobiya.
Maamulka Jubooyinka la damacsan yahay in loo sameeyo ayaa waxa dabada ka wada wasiirka difaaca ee dalka Kinya oo ah nin Soomaali ah oo dhalasho ahaana ka soo jeeda Beesha Ogaadeen.
Halka maamulka Jubooyinka iyo Jabhada ONLFba ay gidigood ka mid ah beesha Ogaadeen.
Ma cada waxa kulamada Kiinya iyo Itoobiya ka soo baxay iyo waxa ay ka yeelayaan gacan ku heynta Kismaayo.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com