|

QurbejoogaYurub oo ka talo bixinaya badbaadada dalka

ASCW. DHaman bahda saxaafada >Soomaaliya aadbaan idiin salaameynaa hadaan nahay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kudhaqan wadamada Europ.

Waxaan rabnaa inaan talo kudarsano qaabka doorashada iyo maamulka dalku uu usocdo waxaan rabnaa inaad naga gudbisaan fariimaha oon u aragno iney yihiin kuwo waxtar leh oo uuwadanku badbaado iyo horumar kugaarikaro. Waxaan iskudaynay inaan sameeyno cod aruurin ama fikir aruurin dhowr wadan ookamid ah wadamada Europta galbeed dadweynaha Soomaaliyeed oo kudhaqan wadamadaan aan kunoolnahay inay aragti kadhiibtaan sida uguhaboon ee dalkayagii uu kugaari karo nabad waarta horumar uuna uga bixi lahaa colaadaha soonoq noqda ee salka kuhaya qabiilka isnacaybka lakala dhexdhigay dadkaas walaalaha ah, boobka eexda iwm loona abuuri lahaa jawiga runta ah ee lagu horumarikaro dalakaan aan kunool nahayna ay ku horu mareen waa inaan kaqaadanaa inta na anfacda oon ka koobiyeynaa siday uga gudbeen burburkii iyo dagaaladii soomaray taasoo keentay inay heleen nabada iyo dhaqaalaha aykufaanayaan.

Tusaale dadbadan oo kasookala jeeda aduun oodhan baa degan Europ waxayna kuhaystaan nabad dhaqaale horumar waxbarasho caafimaan, adigoo ah Soomaali wadankaaga dhexdiisa meshaad doontid ma degikartid maanta kama shaqaysan kartid nabad galyo laysku halaynkaro kuma haysatid waana nasiib daro inaadan wadankaagii dhexdiisa aadan xor ku ahayn adigoon lahayn wax danbiya laakiin danbi gaagu uuyahay waxaad tahay reer hebel baad tahay.

Xalka runta ah oo wadan kudhismikaro nabad waarta lagu gaari karo waxaa kamid ah talooyinkaan soosocda lakiin hal su,aala baa kahoraysa kadibna jawaabta
waana tusaale ahaan su,aashu ee waxkale maahan ujeedo kale kama lihin.
Maxaa dowladii uu madaxda ka ahaan Genral Maxamed Siyaad Bare aan ula dagaalnay iyadoo ahayd dowladii ugu wakhtiga dheereed ee wadanka maamusha

waliba iyadoo ahayd mid wadanka oodhan maamusha isla markaasna ay kuwada jireen dad ka kalayimid 5shanta soomaaliya oo qabiilkasta uu kadhex muuqdey iyadoo ahayd dowladii waxa maanta lahaysto dhistay sida qorista afsoomaaliga wadooyinka warshadaha isbitaalada skoolada iyo waxkasta oo looga baahnaa dowlad oo aan haysaney?
Jawabtii waatanaa, Waxay ahayd wixii loola diriray oo burburka nookeenay waqtigii bay dheeraysteen oo meeshii bay iska fadhiyeen xukunkii bay iskahaysteen mana jirin madaxweyne cusub wajiyo cusub ee Genral Bare ayaa kursiga isaga fadhiyey oo xukunka iska haystey mudo dheer taas baana keentay inlaga horyimaado.

Qabiilkuna wuxuu noqday xeelada kaliya oo lagula dagaalikarey lakin markii laridey qabiilkii baan halkii kasiiwadnay markaas baa aduunkii nala yaabay oo lagaran waayey waxaan kudagaalayno iyo waxaan isku haysano ilaamaanta oo ay kasoowareegtay 21sono burburkii iyo waliba kahor dowladii oo jirta baan qabiil ukala baxnay waanan sii wadnaa ilaa maanata waana muuqataa cawaaqibka qabyaaladii aan kahelnay=dal aan dadlahayn iyo baa ba xasuuq badda oon kudhamaano tahriib wadankasta oo naga faa iideystay xitaa wadamadii africa gabdheheenii waxy uxiran yihiin askar waar diye ah=ciil badanaa.

Sidee Loo badbaadin karaa dalkeena oo loogaari karaa inaan inagu hanao dalkeena
1) Inaan qabyaalada iyo eexda meel iska saarno oon usoo jeensano midnimo wada shaqayn is aamin iyo inaan wadankeena uwada istaagno.

2) Inladoorto dad aqoonleh waxna kayaqaan maamul dowladeed oo khibrad kahaysta caalamka sida dowladaha hoey umaray.

3) Inaan lasoocelin hogaamiye kooxeed qof ahaan jirey oo denbiile ah kuwaas oo aan naqaano fartay qorayaan oo aan horay ubaranay waxa ay yihiin waa kuwa somali halkaas dhigay qabqable dagaal ama hogaamiye beeleed.

4) Hadii xildhibaan uu yahay uguyaraan nin haysta shahaado dugsi sare maxadweynuhu waa inuu haystaa shahaadado jaamacadeed.

5)Inaan madaxweynuhu kursiga joogi karin wax kabadan 4sano maadaama mudada dheer aytahay wixii laga dagaalay waana inaan dib
loosodooran markuu dhamaysto afarta sano si ay qabiilada oodhan midba mar uqabto xukunka oon qolo meesha iyadu umoodin inay gaar uleedahay.

Qaybtaan shuruucda dalka inlagudaarn rabnaa

1)Caasimadu waa xamar hadaan dadka degenu aysan iyagu diidin waayo majirto meel ugahaboon lkn dadka degen haday kaligood yaashaan markaas su,aal baa ka imaanaysa diidmada macnaheedu waa (a)indadkii deganaan jiray aysan goryahoodii helin (b)inay tahay meel qabiil gaar ah xukunkeeda uleeyahay oon loo sineeyn.

2)Hadii caasumad meel loo aqoonsado xamar ama magaalo kale dadka degan degaanku waxay helayaan jaanisyo usan haysan dadka kale oo kafog caasumada sidaas darteed hadaad hesho caasumad waa inaadan utartamin madaxweyne maadaama ayjiraan dadkale oo aan joogin xamar oo kulamid ah si loowada qaybsado maamaulka iyo khayraadka dalka waa inaan halqabiil isku darsan caasumada iyo madaxweynaha markaas qofkasta wuxuu helayaa kalsooni ah inay maalintiisu imaanayso, xamar baa kuguuleysatay inay sii ahaato caasumada somalia markaas hiiraan ama galgaduud ama mudug ama gedo ama jobooyinka waa inuu noqdaa madaxweynuhu taasoo keeneeysa isu dheelitiran kalgacal is aamin lakiin ana casumada leh anaana madaxweynaha leh haday timaado markaas sinaanu majirto ee midkood dooro madaxweynaha ama caasumada.

3)Qofka soomaaligaah meeshuu kadago somalia waa inuu kuhelaa xuquuqdiisa muwaadin nimo maahan haduusan kasoojeedin gobalka uujoogo inuusan xuquuq lahayn maadaama uuyahay qof kasoo jeeda gobolkale taas waa cadaalad daro waana sida aykudhaqmaan Puntland kuwaas oo qofkaan ahayn qabiilka dega halkaas kasoo tarxiila, halkaas waxaa kulumaya xuquuqdii soomaali nimo oo uulahaa qofkaasu waana dalkiisii inuu shaqo kahelo iska daaye waaba lasoo tarxiilayaa sidii uujoogo sucuudiga maya taas waasharci daro, waa inuu waliba doorasho kagelikaro baalarabaa waxna doorankaro lana doorankaro.

Intaas baan soojeedinay hadaan nahay jaaliyada Soomaaliyeed oo degan Europ wadamada scandinavia waana xalka kaliya oo waarikara loogana badbaadikaro burbur danbe iyo in mardanbe soomaalida laysu adeegsado ama laysaga waramo ama qabiil hebel baa wadankii iska haysta oo adinku waxba kumalihidin iwm sidaan baan garanay inlooga badbaadi karo burbur colaad nacayb iskudir taasoo aan ka aragnay wadamada caalamka horumaray.

Aad baan idiinku mahad celineynaa bahda saxaafada soomaaliyeed sida wanaagsan oo wararka iyo xaaladaha dalka ugu gudbisaan dadweynaha.

Soomaaliya guul iyo horumar midnimo isjacayl iyo nabd waarta baan ilaah uga baryeynaa

Mahad sanidiin

Comments are closed