|

Xiddiga Reer Tuuniisiya oo Xerada Ka Baxay Muxuuse Galabsadey?

Tuunis-july-15-2012-qurbejoog.com-Saaxiibayaal qormadeena ciyaarhawaxyny maanta ku jibaaxeynaa xiddiga reer Tuuniisia Adei Chedli oo xeredii qaranku ku xareysnaa ka tegey muxuuse qoonsadey?

Xiddigan oo qaranka Tuuniisiya uga ciyaara khadka dhexe ayaa kooxda iskaga tegey markii ay u soo baxeen quarter (finals Cup Of Nation) wuxuuna ka xanaaqey 3-dii ciyaarood ee ugu horeeyey oo aan la ciyaarsiin.

Haddaba afhayeenka kooxda Ward Souhair ayaa u sheegey warbaahinta ciyaaraha in marnaba Cheldi ku faraxsaneyn in la ciyaarsiin,taas ayaa keentey inuu xereda oo ku taala Francevilla ka qaxow.

Akhyaartay Afhayeenka kooxada Souhair oo hadalkiisii sii wata ayaa ka dhawaajiyey in ciyaaryahankan oo 35-jir ah Adel Cheldi ayaa waddankiisa u qaadey (Cup Of Nation) sannadkii 2004.

Mar la wareystey xiddigan reer Tuuniisiya waxa ku kalifey inuu kooxda qaranka si fudud iskaga tago wuxuu ku jawaabey,waxaa leyla macaamiley sidii ciyaalkii oo kale sidaana sharafteyda ayaa ka weyn ayuu ku jawaabey saaxiibkeen Adli Chedli.

Haddaba saaxiibayaal sheekadu nuxurkeedi waxaa weeyaan bacdamaa uu laacibkan 35-jir yahay tababarihiisana(Sami Trabelsi)wax badan ku cabey kursiga keydka wax badana ku caajisey ayaa nku kaliftey inuu gurigiisii u haajiro.

W/qorey Jaahuur

qurbejoognews.com Ottawa

 

 

 

Comments are closed