|

Boqor Maxamed Jaamac oo xaqiijiyay in Agaasimihii hore ee wasaarada Maaliyada Somaliland uu ka mid yahay Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho Aug 15,2012(SDN)-Boqor Maxamed Jaamac Cumar oo ka mida madax dhaqameedka reer Somaliland ee Muqdisho u tegay ka qeybgalka ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo soo xulida xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Boqor Maxamed Jaamac Cumar oo ka mida madax dhaqameedka beesha Bariga Burco ayaa maanta saxaafada Muqdisho u xaqiijiyay in la gudbiyay xildhibaanadii Beesha Isaaq ee ka midka noqonaya baarlamaanka Soomaaliya.

Boqorku waxa uu sheegay in tirada xubnaha baarlamaanka beeshu ay yihiin 28,oo sidaalagu qeybsaday.

Boqor maxamed Jaamac Cumar ayaa sidoo kale saxaadafa u xaqiijiyay in Agaasimihii hore ee wasaarada Maaliyada Somaliland Jaamac Odey uu Muqdiasho u joogay ka mid noqoshada Baarlaanka Soomaaliya.

Boqorku waxa uu sheegay in Jaamac Odey uu ka mid yahay haatan Xildhibaanada dawlada Soomaaliya.

Agaasimihii hore ee wasaarada Maaliyada Somalialnd ayaa waxa uu isna ka soo jeedaa bariga magaalada Burco,waxaana si lama filaan ah looga dhex arkay uun kiyoo ku sugan Magaalada Muqdisho.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed