|

Barnaamijka Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida

Berlin Aug 14,2012(SDN)-Barnaamijkii Suugaanta iyo isbedelka Dhaqanka Soomaalida oo aanu maanta idiinku heyno xigmada Maahmaaha Soomaalida,waana barnaamijkii taxahana ahaa ee aanu halkan idiinku soo bandhigi jirney.

Intaadan fallin ka fiirso

Idho jaceyl isma eegi karaan

Hadal badan haamo maa buuxdho
Qof aan dhidiidin maa dhaqado
qof aa dhul marini dhaayo laá
Gar iyo geeri loo siman

nin tag lamaa dhahoo ee waxuu ku taagaa laa tusa

Nin geed gali jirey geed loo ma galo
Naag la’aani waa naf la’an
Talo xumo tog baas bay kaa ridda
baryo badan, iyo bukaan badanba waa laysku nacaa

Gari Illaheed bay taqaan
geel laba jir soo wada mar
Nin rag ah haweentii ka adag, doqonna isgaa ka adag

Barasho horteed ha I nicin
nin is faanshay waa ri  is nuugtay

Rag  waxaa  uu liita maa toshe, maa tashaade , iyo  maa tashiishte

Af jooga loo adeego
Nin ann dhul marini dhaayo la
Meel waa laga muuqdaa ama waa laga maqnaadaa

runtu raga wax kaa niixsaaye se wax maa yeesho…

waxaa soo wada diyaariyeey: jamac maxamed xanudle iyo zamzamoz axmed keynan

Comments are closed