|

Barnaamijkii Suaalaha iyo Jawaabaha Diiniga

Berlin Aug 14,2012(SDN)-Akhristeyaal markale iyo Barnaamijkii Kororso aqoontaada iyo tijaabi aqoontaada diimeed,oo aanu ugu talo galay in aanu ku weyneyno bisha barakeysan ee Ramadaan,fadlan ka jawaab suaalaha inta aadan jawaabaha eegin.

1:su’aal. sheeg asxaabigii hogaaminaayey dagaalkii mu’ta?

2:su’aal. sheeg dagaalkii lagu dilay zeyd bin xaarith rc, iyo jacfar bin abii daalib rc. iyo c/laahi bin rawaaxa rc?

3:su’aal. sheeg magaca al imaam al shaafici ?

4:su’aal. sheeg haweeneydii calaan-jisay beerkii xamza bin cabdi mudalib rc?

5:su’aal. sheeg suurada halmar soo wada degatay iyadoo dhameystiran?

6:su’aal. sheeg qaadimkii nabi muuse cs?

7:su’aal. sheeg asxaabigii hogaaminaayey dagaalkii yarmuug?

8: suaal sheeg halkiik ay ku soo dagatay aayadii ugu horayseey ee quraanka?

JAWAABO

jawaab1. waa zeyd bin xaarith (rc)

jawaab2. seddexdaan asxaabi alle haga raali noqdee waxa lagu dilay dagaalkii mu’ta.

jawaab3. maxamed ibnu idiris ibnu cabaas ibnu cothman (abuu cabdallaah)

jawaab4. waxay eheed hinda bintu cutbah.

jawaab5. waa suuradda ancaam.

jawaab6. waa yuushac.

jawaab7, wuxu ahaa khaalid bin waliid rc.

jawaab8: waxay ahayd, qaarul xira.

 

Jamaac Xandule

jamaca143@hotmail.com

Comments are closed