|

Somaliland: Qaran Iyo Qabiil Tartamaya By Mohamed Ahmed Cige(Mohamed case)

Aduunka Ayku Ku Noolnahey Waxaa Ka Jira Tartamo Badan Oo Leh Wajiyo Kale Duwan , Kuwaas Oo Marka La Soo Kooba Iskugu Biyo Shubanaya Xaq Iyo Baadilka Oo Waligodba Tartan uu Ka Dhaxeeyey . Somaliland Ayaa Noqotey Goob Iyo Masrax Ay Tartan Ku Jiraan Qaranimo Iyo Qabyaalada , Taas Oo Dhab Ahaantii Ah Laba Shey Oo Isku Lid Ah, Midba Ka Kale uu Baabiyo , Waxaa Cad In Qaran Iyo Qabiil Goob Wada Gali Karin, Dal Ka Wada Talin Karin , Wadan Wada Maamuli Karin , Meelna Ayna Ku Wada Kulmi Karin
Waxeynu Raacney Dariiq Toosan Oo Qaranimo Ah , Inagoo Ku Soo Leexaney Isagana Soo Baydhney Jidkii Xumaa Ee Qabyaalada , Weynu Isku Nimi , La Isa Saamaxey Oo Beel Waliba Qaranimo Ku Bedelatey Shaadhkeedii Hore , Waxeynu La Nimi Astaamo Badan Oo Qaranimo Leedahey , Sida Ciidan Qaran, Golayaal Qaran , Madaxweyne Qaran, Iyo Xuduudo Qaran , Weynu Ku Naalooney Oo Aynu Dhadhaminey Qiimaha Qaranimadu Leedahey , Waxeynu Ogaaney In Qaranimo Iyo Qabiil Yihiin Labo Shey Oo Aad u Kale Qiimo Badan ,
Hadaba , Maanigaa Waalan Mise Cadan Ayaa Laga Heesayaa , Qaranimo Ayeynu Dhex Galineynaa Qabyaalada , Qabiilkii Ayeynu Ka Door Bideynaa Qaranimo , Waxeynu Aaminsan Nahey In Beel Waliba Ka Muuqato Meel Walba , Mucaaridnimada Casriga Ahina Waxey Noqotey Beeshayada Waxba Lama Siin , Taas Oo Dhab Ahaantii Ah Qaran Dumin.
Wakhti Xaadirkan Aynu Joogno Waxaa dalku leeyahay lix xisbi oo u taagan ama sugaaya doorashada golaha deeganka , Waxaa Shacabka Somaliland ay ku  dawakhsanyihiin yaad u codaysaan oo ku shaqaynaya qaranimo intuu qabiilka ka guuro taas oo aad moodo in shacabkii qaranimadii lagaga iibsanaayo qabiil oo aan la eegayn dantii umada iyo maatida ee ninwaliba taaganyahay tolaay tolkeey mee waxaan u soo jeedinayaa shacabka Somaliland in ay ka guuraan qabiil wax ku dooradka iyo Qabyaalada Xun Iska Fogeeyaan , Kalana Gartaan Xikmada Allah Subxaanah Watacalaa u Inooga Dhigey Qabiilooyin Kale Duwan Taas Oo Ah In Aynu Isku Garano Sida U Quraankiisa Allah Subxaanah Watacalaa Ku Yidhi
Ogaadana Duqsi Ma Leh Qabyaaladi Waxey Dumise Mooyee , Waxeynu Soo Galney Imtixaano Hore Oo Qabyaalada Ku Saabsan Dalkeenii Soo Baabiyey , Shacabkeenu u Baro Kacee , Taas Oo Ilaa Maanta Inagu Leh Saameyn Weyn ,
Qaranimadu Waa Geed Leh Midho Macaan Oo Geesiyaal Badan Dhiigooda U Hureen , Ha Laga Ilaaliyo Dhaawaca Iyo Wax Yeelida Qarankan Iyo Umada , Xididadana Ha Loo Saaro Qabyaalada Aan Qiimaha Laheyn
Waxaan Shacabka Somaliland u Rajeynaa In uu Garansiiyo Dantooda , Tusana Wanaagu Halka uu Ku Jiro Allaha Ha Ka Qabto Cid Kasta Oo Xumaan u Geysaneysa Qarankan Iyo Shacabkan
Waad mahadsantihiin
 
Qalinkii : Mohamed Ahmed Cige (Mohamed case)
ahmed_farah43@yahoo.ca

Comments are closed