Xildhibaan Qabile: “Waxaa loo baahan yahay isbedel deg-deg ah oo lagu sameeyo hogaanka hada jira”
Dhegta dhagax dixeed galay
Damanaanta shacabkiyo
Siday wax u diboodeen
Inta ila dareeniyo
Anuun bay iska daalee
Maxaa darajadaydiyo
Daabaca maqaaladu
Dawo iiga tarayaan.
Maalinba maalinta ka danbeysa waxa soo ifbaxaya dhacdaba dhacdo ay ka culustahay iyo dhaawac hor leh oo ku soo kordhaya jiritaanka qarannimada Soomaaliland, dunidan casriga ah ee maanta aynu ku noolnahay, saxaafadu waxay kaga jirtaa kaalin muhiima bulsho kasta oo ku nool caalamka, bilahan danbe waxaa soo ifbaxay dagaal culus oo soo food saaray saxaafada soomaaliland taasoo xukuumada Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) cadaadis xoog leh saartay saxaafada maxaliga ah ee Soomaaliland iyada oo kula kacdey wariyayaasha ka hawl gala Xadhig, Cago juglayn, hanjabaad ,si aan loo helin warar xaqiiqo ah & wararka tibaaxaya xogaha dhabta ah ee ka jira dalka. Waxa intaa dheer iyadoo laga faa’iidaysanayo baahidooda in la siiyo hantidii ummada si daboolka loo saaro runta & waxa ka socda Dalka.
Arrinkani wuxuu meel ka dhac ku yahay xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliland & xoriyaadkooda aasaasiga ah ee uu jideeyay Distoorka JSL & Xeerka saxaafada si indho la’aanana loogu tunto shuruucdii dalka arrinkaa oo dhaawac halis ah ku keenay meeshii dadku dareenkiisa , xoriyatul qawlkiisa, & afkaartooda iskugu gudbin lahaayeen, taasi waxay dhaxal siisay dalkan jamhuuriyada Soomaaliland Saxaafadii Xorta ahayd ee ka jirtay in tayadeedii hoos u dhacdo isla markaana la curyaamiyo, halkay mudnayd sida uu jidaynayo Distoorka JSL in la dhiiri geliyo lana kobciyo, arrinkani wuxuu tusaale cad u yahay sida xukuumada Axmed Siilaanyo u tirtirayso una raad gurayso hanaankii Dimoqraadiyadeed ee JSL.
Halkan waxaan Shacbiga Somaaliland, Beesha Caalamka, hay’adaha xuquuqal insaanka,& ururada Saxaafada ee heer Caalami, ugu soo bandhigayaa in dagaalkan oo wada jir ay u qaadeen una wada fulinayaan xukuumadda Siilaanyo & Ganacsato waaweeyn, kuwaasoo macaaashka ugu badan ka helay dalkan JSL, intaa waxa u dheer kootada si sharci daro ah gaarka loogu xidhay, isla markaana maroor sada fursadaha mashaariicda dalka laga fulinayo, sidoo kalana manta u soo gonda degay maalgashiga & ka faa’iidays[ga khayraadka dalka sifo sharci daro kuna sidkamay dawlado shisheeye oo cadaw ku ah jiritaanka & karaamadad shacbiga reer soomaaliland, arrintan dhabar jabka ah waxa sidoo kale dawladahaa si qarsoodiya oo aan sharciga waafaqsanayn doorka u weyn ku leh Xukuumada Axmed Maxamed (Siilaanyo), taasi oo xadgudub iyo gabood fal ku ah shacabigan Soomaaliland, dhacdooyinkan iyo kuwo kale oo badan oon imika halkan lagu soo koobi Karin xukuumada Axmed Siilaanyo waxay ku gashey waa Khiyaamo qaran, Waxaana aan isna tusaale u soo qaadan karaa Xadhigii Fipre Optic bada hoosmarayay ee cableka ee loo xanibay Ismaaciil Cumar Geele lagagana maydhaantay xadhigii soomaaliland Sigment 14 ee soomaaliland gaarka u ahaa kana mida waxyaabaha gO’odoonka ku riday JSL, waxa iyana tusaale si cad dhacdooyinkan uga marag kacaya ka mid ah Wersheda sibidhka ee Sida Sharci darada ah la rabo in looga hirgeliyo Berbera taasi oo maalgashigeeda ay shuraako ku yihiin Ismaaciil Cumar & Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) dabadana ka riixayso Xukuumada Siilaanyo,labadii sano ee u danbeeyayna ku haysay hagardaamooyin iyo dagaal aan kala go laheeyn deegaanka & dadweynaha reer saaxil, iyadoo isla markaana talaabooyinka xukuumadu qaadayso lagu marin habaabinayo qaab beeleed si loogu xado hantida Ummada Bulshadana looga Jeediyo xaqqiqada jirta iyadoo ay jiraan damacyo dhagar ku ah oo ku socda xawaare is miidaamin ah sidii loo lunsan lahaa si khaldana loogaga faa’iideysan lahaa kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
Waxaan halkan ku xusayaa dhacdooyinkii u dambeeyay ee noocan oo kale ah ee lagula kacey dalka Soomaaliland, taas oo ay ugu weyn tahay arrinta xoriyatul qawlka lagula dagaalamey laguna cabudhinayay Saxaafada Xorta ah arrintaas oo si reer Soomaaliland xaqiiqada looga indho saabo khadka lagaga saarey Web siteyo Dhexdhexaad ah oo dhacdo kasta si wanaagsan ummada ugu soo bandhigayay iyadoo la meel mariyay in aan Soomaaliland & Djibouti midna dadka jooga helin wararka & macluumaadka ay u soo gudbin jireen bulashada labada dal, waxaana ka mid ahaa websiteyadan hoos kuqoran inta aan ka ogahay:
1. Websiteka Waaga Cusub
2. Websiteka Halbeeg news
3. Websiteka Sunatimes
4. Qurbojoog .com
5. Websiteka Warmaalnews.Com
Arrintani waxay lid ku tahay oo ay baalmarsantahay qodobka 30naad ee Distoorka JSL, kaas oo ka hadlaya xoriyada isgaadhsiinta una dhigan sidan:
1. Qofna lama fara gelin karo qoraaladiisa gaarka ah, waraaqihiisa boosta, ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed.
2. Waxa Sidoo kale Arrinkani Distoor jebin ku yahay qodobka 25aad ee Distoorka JSL kana hadlaya Xaqa xoriyadda damaanad qaadka & Shuuruudaha Xuquuqda iyo Xoriyaadka sida ku cad Faq 3aad oo u dhigan sidan ( Dawlada ayaa muwaadiniinta u damaanad qaadaysa xuquuqda iyo xoriyaadka xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda.
3. Waxa kale oo lagu xad gudbey qodobka 31aad ee Distoorka JSL kuan saabsan xoriyada lahaanshaha hanti gaar ahaaneed una dhigan sidan ( Faq 1. Qofkastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu si gaara u yeesho hanti taas oo ay shardi tahaey in uu ku helo wado xalaal ah. Faq 2aad. Hantida gaar ahaaneed ee lagu helay si xeerkan waa faqsan lalama wareegi karo danguud awgeed mooyaane, iyadoo markaana la bixinayo cawil celin munaasab ah.)
4. sidoo kale waxay arrintani xad gudub ku tahey qodobka 32aad ee dastuurka JSL oo ka hadlaya Xoriyada Banaanbaxa Rayi dhiibashada, Saxaafada & Warbaahinta kale iyadoo u dhigan sidan: ( Faq 1aad. Muwaadin kastaa wuxuu Xor u yahay in uu rayigiisa ku bandhigo Qoraal, Hadal, Muuqaal, Suugaan, ama qaab kale oo xeerkan waafaqsan. Faq2aad. Muwaaadinkastaa wuxuu xor u yahey inuu abaabulo kana qayb qaato kulan ama banaabax nabadeed oo xeerka waafaqsan. Faq:3aad Saxaafada & warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xoriyaadka aasaasiga ah ee rayi dhiibashada ,waxaana ay leeyihiin madaxbanaanidooda, wey Reebantahay talaabo kasta oo lagu cabudhinayo , hawshoodana xeerbaa nidaaminaya. Hawshoodaa waxaa lagu nidaamiya xeerka Saxaafada kaasi oo dhaqan gal noqday.
Dhamaan qodobadaas aan kor ku soo xusey waxay Muujinayaan sida loogu tuntey xeerarkii & Dastuurkii sharciga dalka u ahaa waxaana lagu maydhaamay tacadi, xadgudub,iyo gabood fal aan miidaandey lahayn waxa si bayaan ah u cad In Madaxweynuhu uu khiyaamo qaran kula kacay dalka & dadka, gacansarna kula yeeshay ganacsato & Madaxweynaha Jamhuuriyda Djibouti Ismaaciil Cumar oo Dagaal aan nasasho laheyn kula jira madaxbanaanida, qarannimada, & gooni isu taaga Soomaaliland, iyadoo ay wax badana u sahashey madaxdii shacbigani sida karaamada leh u soo doortey waxaanu fursada ugu weyna ka helay intii uu wadanka mayalka u qabtey Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo taasoo khaayinimo ku ah karaamada & qarannimada Dalkan Jsl waxaan qormadan tiiraanyada leh ku soo gabagabeynayaa Himiladii & hayaankii Ummadani mudada dheer ugu jirtay geedi socodkeeda Qarannimo wuxuu galey mugdi iyo majara haboow aan laga soo kaban Karin.
Sidaa awgeed iyadoo warbaahinta & ummada Soomaalilandba ka dheregsantahay gefka ula kaca ah & majarahabaabinta siyaasadeed ee Madaxwene Siilaanyo ku burburinayo qarannimadii ummadu u dhiibatey eee loo soo marey dariiqa adag waxaa cadeeyn & marag aan laga murmi Karin u ah sida xidida loogu siibayo loona burburiyay Shuruucdii qarankan iyo shacbigani lahaa ee ay ku dhisneeyd dawladnimada & qaranimadooduba, aniga oon ku noqonayn dhabihii qaldanaa ee siyaasada arrimaha debeda JSL qaadey ee shirarkii London1, Stanbul2, & UAE . oo lagu darey Qunsuliyadaha dalalka reer galbeedka ay ku soo teediyeen caasimada hargeysa , kuwaas oo Diplomaasiyiinta ka hawl geleysa & hawlahooda shaqoba hoos tagayaan Safaaradaha dalalkaas ee muqdisho fadhigoodu yahay, sidoo kalana lagu daro hambalyadii & soo dhaweeyntii Wasiirka Arrimaha Debeda ee JSL uu ku hanbalyeyay kuna soo dhweeyay Ansixinta Distoorka Soomaaliya loo sameeyay ee ay kaga baxayeen kumeelgaadhka uguna gudbayeen dawlada rasmiga ah Distoorkaas oo si aangabasho laheeyn loogu qoray oo cadeynaya in Jamhuuriyada Soomaalilaand Tahay gobolo kamid ah Soomaaliya, waxay arrimahani muujinayaan inuu dalkan ka galey khiyaamo Qaran.
Macalin Mahiiga & Gacanyariihiisa Ismaaciil Cumer geele in aaney Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka Baajin karayn waxna uga tari karayn in shacbigani kala xisaabtamo Amaanadii sida sharfta leh loogu aaminey.
Hadaba waxaan Shacbiga Reer Soomaaliland si adag oo aan dhayalsi laheyn ugu sheegayaa in aan la joogin meel laga sii eegto hogaanka manta, waxaana loo baahan yahey isbedel deg-deg ah oo lagu sameeyo hogaanka hada jira, taas oo ah dariiqa kaliya ee Jiritaanka Qarannimada Soomaaliland lagu Badbaadin karo.
Waxaan halkan farriin culus ugu dirayaa ururada Siyaasada ee ku jira saaxada Tartanka doorashooyinka dalka in aaney jirayn dimuqraadiyad cadaalad, xaqsoor & tartantoona, hadii aan si midnimo, & wadajir ah aan looga wada hawl gelin sidii dalka loo badbaadin lahaa looguna soo celin lahaa xayndaabkii sharci ka hor intaan doorasho degaan legalin taas oo hadii kale ina gelin doonta murug iyo mashquul kale oo hadhoow meel laga soo qabto yeelan doonin, waana in la soo celiyaa xaydaabkii sharci ee dalkani lahaa, salkana loogu dhigi lahaa hogaan ku san banaan himiladii ummada.
Waxaan halkan Digniin uga dirayaa Hogaamiyaha Jamhuuriyada Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, waxaan leeyahay weelkii Xumaantaada aanu ku shubayney wuu buuxsamey ee wixii aad nagula kacdey waxey noo geleyaan bogaga Taariikhda ee Madow waxaaney noqon doontaa wax aan la iloobi doonin Jiil Ilaa jiil! , Dulqaadkiina waa naga dhan yahay Fariinina waa qaan waxaad dalkan & Ummadan ka gasheyna Xisaabtan adag ayaa nooga yaal Dilaal & Basaas aad noo soo dirto oo siyaasadayada, khayraadkayaga, & Qarannimadayada faragelin ku sammeya oo danbena halkan kama shaqeeyn doono midabkuu doonaba ha lahaado haduu ganacsade yahey, haduu siyaasi yahay, haduuu darajada u sareysa hayo, iyo hadii kalaba, Soomaalilandna Wax Dhowr nin jeebkiisa gala ka weyn.
Waxaan ku soo gebagebaynayaa tixdan gabeyga ah oo ah fariin aan u gudbinayo Shacbiga Reer Soomaaliland:
Gugoo da’ay, Gayiga oo Qaboow, Godanadoo Buuxa
Gaaroodi Cawsliyo Dhulkoo Gaxashku Dheeraadey
Geela iyo Idahoo Dhaloo Gaax la socon waayey
Nin waliba martida geed u waab gool intuu qalo
Gobaa laga Sinaa Jeer Abaar Guurisaa Timid
Hadii Waran La Soo Gano ninkuu Guud Maraa Baqey
Nasabna waxaad ku Garataa Habeen la Isu Soo Galey
Raguna Wuxuu ku Kala Gaas Baxaa Golaha Ceebeed.
GUUL & GOBANIMO
SOOMALILAND HA NOOLAATO
SOOMAALILAND HA ADKAATO.
WA BILLAAHI TAWFIIQ
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile