|

Novak Ojokovic oo Labeystey Roger Cup.

Toronto-Canada-July-14-2012-Asxaabtay qubanaheena ciyaaraha waxaynu maanya ku soo qaadaneynaa xiddiga reer Serbia Novak Djokovic oo ku guuleystey markii labaad Roger Cup ee kubadda Tenista.

Laacibkan oo kaalinta sadexaad ka soo galay ciyaarihii Olympikada ee lagu soo qabtey cariga ingiriiska soona caga dhigtey ciidda Kanada kana qayab qaatey tartanka Roger Cup oo lagu qabto sanad kasta Kanada.

 Haddba finalkii waxaa ku kulmey Novak Ojokovic iyo xiddiga reer France Richard Gasquet,ciyaartan oo runtii aad u xiisa badney aadna looga soo qebgaley waxaa si fudud ku badiyey Novak Ojokovic 6-3 6-2 Set.

Waan garanayey ineyna dhici kareyn inaan ku laabto 2011 rikoodhkii aan sameeyey(70-11)Laakiin waxxan ku kal soonahay ciyaarteyda,adkeysigeyga iyo gemkeyga sidaana waxaa ka dhawaajiyei Novak Ojokovic.

Haddaba saaxiibayaal ciyaartan Roger Cup uu Ojokovic hadda ku guuleystey ayaa soo celisey kalsoonidiisii uu ku soo ceshan lahaa kaalinta kowaad ee aduunka,waxaana imika haysta kaalintaa Xiddiga reer Suweysarlaand Roger Federer.

W/Q-Jaahuur

qurbejoognews.com

 

Comments are closed