|

Hargeysa: Booliska oo markii u horaysay u digay gaadiidleyda, Baabuurta Jaadka keenana u dejiyay xawaaraha ay caasimadda ku dhexmari karaan

Hargeysa August 13, 2012 (SDN)- Taliska ciidanka Booliska Somaliland, ayaa markii u horaysay digniin u jeediyay gaadiidka Jaadka keena Hargeysa, isla markaana u dejiyay xawaaraha ay caasimadda ku dhexmari karaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Mr. Cabdilaahi Fadal Iimaan oo u waramay warbaahinta, waxa uu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan baabuurka Jaad sida ee xawaare sare ku mara badhtamaha caasimadda dalka ee Hargeysa.

Mr. Fadal waxa uu sheegay in gaadiidka Jaadku aanay xawaare ka sareeya 35 KM ku dhexmari karin magaalada, taas bedelkeeda cidii ku dhaqmi waydana ay talaabo adag ka qaadi doonaan.

Taliyaha ciidanka Boolisku waxa uu xusay sida loogu baahan yahay in la ixtiraamo, laguna dhaqmo xeerka nabadgelyada Waddooyinka, wadayaasha gaadiidkuna taxadir muujiyaan, gaar ahaan inta lagu gudo jiro maalmaha diyaargarowga Ciidul-Fitriga oo ay dadka shacabka ahi ku badan yihiin suuqyada.

Sidoo kale, taliye Fadal waxa uu digniin u soo jeediyay wadayaasha gaadiidka dadweynaha ama Basaska, kuwaasoo uu uga digay inay dadka ku dajiyaan wadada dhexdeeda, iyadoo uu gaadiidka waawayn ee xamuulka ahna uu uga digay in ay gaadiidka saaraan rar ka badan tanka gaadhiga.

Cabdullaahi Fadal Iiman waxa uu gaadiidka aan amarkaas fulin ugu hanjabay inay la kulmi doonaan talaabooyin sharci oo ay mutaysan doonaan.

Taliyaha ciidanka boolisku waxa uu faray ciidamada kaantaroolada magaalooyinka laga soo galo jooga inay kordhiyaan baadhista gaadiidka, ayna dardar geliyaan hawsha ay qaranka u hayaan.

Ugu dambayn, waxa uu taliyaha ciidanka Boolisku sheegay in cida waddooyinka gaadiidka dhigata ama si sharci-daro ah u dagtaa, ay iyana la kulmi doonaan talaabooyin sharci oo laga qaadi doono.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed