Orodyahanadii Soomaaliya uga qeyb gashay tartankii Olympiga oo shaaciyay in ay Muqdisho ku noqonayaan
London Aug 13,2012(SDN)-Orodyahanadii Somaaliya uga qeyb galay tartankii Olympiga ee London shalay lagu soo gunaanaday ayaashaaca ka qaaday in ay dalkoodii Hooyo dib ugu noqonayaan dhawaan.
Labadan orodyahan Maxamed Xasan Maxamed iyo Zamzam Maxamed Faarax ayaa dafiray warar la shaaciyay oo sheegayay in ay megengelyo weydiisteen dalka Britain.
Maxamed Xasan ayaa saxaafada u sheegay in ay Muqdisho ku noqonayaan inkasta oo caga jugleyn ay uga timi kooxda Al Shabaab oo ku eedeysay in ay ka qeybqaateen dhaqan reer galbeed.
Zamzam ayaa si gaar ah loogu dhaartay bacdamaa ay tahay gabar,isla markaana fariimo cago jugleyn ah loogu soo diray.
Zamzam waxa ay sheegtay in waalidkeed sidoo kale fariimaha la gaarsiiyay oo loo sheegay in arrintooda wax laga qaban doono kolka ay soo laabato.
Saxaafada ayaa dhawaan baahisay in labada orodyahan ee Soomaaliya ku metelayay tartankii Olympiga ee London ay Britain weydiisteen magangelyo.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com