|

Yusuf Fareey AUN oo noqdey Suxuufigii sideedaad ee Soomaaliya lagu dilo

Muqdisho Aug 13,2012(SDN)-Dalka Soomaaliya ayaa waxa lagu dilay weriyihii sidedaad ee sanadkan taa oo ka dhigeysa in bil walba suxuufi lagu dilo dalka.

Waxa Allaha U Naxariistee  Magaalada Muqdisho lagu dilay suxufi Yusuf Cali Cusmaan oo loo yiqiinay Farey oo koox hubeysani ku toogatay degmeda Dherkenley.

Wariyaha oo mar ahaa madaxa Iddacada dawlada ee Muqdisho ayaa haatan waxa uu ahaa mid ka mida shaqaalada wasaarada warfaafinta Soomaliya.

Ururada Saxaadafada ayaa dhaleeceeyay dilalka soo noqnoqonaya ee lagula kacayo suxuufiyiinta,waxaaney ku baaqeen in la baaro cida dilalka ka danbeeya.

Ergeyga gaarka ah ee QM Augustine Mahiga ayaa xafiiskiisu war uu ka soo saaray dilkan u danbeeyay ee lagula kacay Marxuum Yusuf Farey.

Ergeygu waxa uu qoraalkiisa ku canbaareeyay dilka Marxuum Yuusuf  Fareey loo geystay,waxaanu ku celiyay in baaritaan lagu sameeyo cida dilalka ka danbeysa.

“Ilaa iyo haatan ma jirto cid sharciga loo horkeenay dilalka joogtada ah ee lagu hayo suxuufiyiinta dalka Soomaaliya”ayuu yiri Mahiga

Soomaaliya ayaa mudadii ay dawlad la’aanta aheyd waxa shacabka la xasuuqay ka dhex muuqday bahweynta saxaafada ee aan maraba ka caajisin soo tebinta xaaladihii murugada lahaa ee dalku soo maray.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed