Barnaamijka Suugaanta:Xigmada Maahmaahyada Soomaalida
Berlin Aug 12,2012(SDN)-Akhristeyaal mar kale ku soo dhawaada taxaneheenii Suugaanta Soomaalida oo aanu maanta idiinku heyno Suaalo iyo jawaabo ka hadlaya xigmada maahmaahyada Soomaalida ee ka bogta.
1.Su,aal :- Sheeg Sadex maah maahood oo Ragu leeyahay?
Jawaab:- wax rag kaa galey Rako kaa gale 2. Rag wax aan naftooda ahayn ba wuu mareeyaa, 3. rag lama maleeye Waa laga maleystaa
2. su,aal :- Sheeg sadex maah maahood oo Naaguhu leeyahay?
Jawaab:- Naagi nimay lagado kama kacdo 2. naagi nimay taqaan nin ma moodo, 3 Dhanaagi kaskeed bay kadaloob ku masha
3. Suaal :- Sheeg sadex maah maahood oo geelu leeyahay?
jawaab :- Geel indhakool muxuu ka yaqaan 2. geeloow soco markad ciin daaqda lagu yaabaa 3. Geel laba jir soo wada mar
4. su,aal :- Sheeg sadex maah maahood Sakaaradu leedahay?
jawaab:- sakaaro laba tun oo la kala Qalo malaha 2. sakaaro Xaar muuqday aas aasta 3. harag sakaaro iga kac mooye iga durug malaha
5. Su,aal:- sheeg Sadex maah maahood oo Farduhu leeyey?
jawaab:- faras aadan lahayn fuulistiisa futo qarar ba laga Qaada 2. Fardo la isku hayo maxaa la iskaga Faani, Baqal fardo la daaqda faras bay is mooda
6. sheeg sadex maah maahood oo doqontu leedahay?
Jawaab:- Doqoni xadhigii lagu xidhi lahaa Xusuladey ku sidataa, 2 doqoni qiiq kama kacdee daamankay meermeerisa 3. doqoni usha agteeda ku dhufo haday garan waydana gogo u gali
soodiyaariyaaal: zamzamoz axmed keynan iyo jaamac maxmed xandule