Madaxweyne Siilaanyo oo hambalyeeyay Ciyaaryahanka Mo Farah oo caawa biladii labaad ee ciyaaraha Olympics-ka ee London hantiyay
Hargeysa 11, August 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hambalyeeyay guusha uu gaadhay ciyaaryahanka Mo Farah oo caawa ku guulaystay abaal-marintii labaad, ka dib markii uu hore ugu guulaystay bilad dahab ah.
Warsaxaafadeed kooban oo afhayeenka Madaxtooyada Mr. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Madaxweyne Siilaanyo waxa uu dhalinyarada Somaliland ugu baaqay inay ka fogaadaan balwadaha iyo wax kasta oo waqtiga ka luminaya, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu hamlayo iyo boogaadin u dirayaa Ciyaaryahanka weyn ee Mo Faarax oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland iyo Dawlada Ingiriiskaba isaga oo caawa ku guulaystay Biladii labaad ee Dahabka ahayd ee Tartanka Ciyaaraha Olympic-kada ee ka socda London.
Madaxweynuhu waxa uu ku boogaadiyey Mo Faarax guushaa caalamiga ah iyo magacaa uu u soo hooyey naftiisa, Dalkiisa iyo dadkiisaba waxaanu ilaahay uga rajeeyey inuu adkaysto Guushan, guulo ka badana gaadha.
Madaxweynuhu waxa uu dhalin yarada reer Somaliland ugu baaqay inay ka fogaadaan Balwadaha iyo waxkasta oo wakhtiga ka luminaya kuna daydaan Moh faarax.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com