Muxaadirooyinka uu wado Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo u gudubtay Taliska Ciidanka Qaranka
Hargeysa 11, August 2012 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa maanta muxadaro Diini ah ka akhriyay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ee magaalada Hargeysa.
Munaasabad uu wasiirku ku soo gudbiyay Muxaadaradan oo ka dhacday xerada Taliska guud oo uu Goobjoog ka ahaa taliyaha Ciidanka Qaranka Col. Ismaaciil shaqalle, saraakiisha hogaanada ciidanka iyo askar faro badan, waxa uu wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ku dheeraaday faa’iidada ay leedahay Cibaadada oo la kordhiyo inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaanu ilaahay uga baryey in Ilaahay ku asturo Ciidanka hawsha ay umadda u hayaan.
Taliyaha Ciidanka Qaranka oo isna hadal kooban ka jeediyey munaasabadaas ayaa wasiirka uga mahadceliyey baraarujinta diimeed ee uu la garab taagan yahay Ciidamada qalabka sida ee Somaliland gaar ahaan muxaadaradan uu u jeediyey Ciidanka qaranka.
Sida la ogyahay Muxaadaradan wasiirku maanta jeediyey waxay qayb ka tahay muxaadarooyin diini ah oo xidhiidh ah oo wasiirka iyo culimo wehelisaa muddooyinkan dambe u gudbinayeen Ciidamada kala duwan iyo hay’adaha kale ee dawladda qaarkood.
Qurbejoog.com, Hargeysa