Japan oo 67 sanadood ka dib weli laga murugeysan yahay Nuclearkii lagu garaacay
Hiroshima August 07,2012(SDN)-Waxa guud ahaan Dalka Japan tacsi iyo baroordiiq loogu sameeyay ummadii ku le’atay qaraxii Nuclearka ee lagu weeraray dagaalkii labaad ee dunida oo ay ku qurbaxeen boqolaal kun oo ruux.
Dalaka Japan ayaa waxa la arkayay tiyoo shacabku meel walba ku duceysanayo oo uu ka tiiraanyeysan yahay khasaarihii maalintaa ka dhashay weerarkii Mareykanku ku qaaday magaalooyinka Hiroshima iyo Negasaagi.
Maalintaa waxa geeriyooday kolkii qaruxu dhacay 140,000 qof oo isugu jira bulsha weynta reer Japan.
Sanadguurada 67aad ee ka soo wareegtay weerarakaas ayaa ku soo beegmeysa xili dalka Japan uu la daalaa dhacayo qaraxyo ka dhashay laba warshadood oo kuwa shidaalka ah oo Nuclear ku shaqeeya.
Shacabka dalkaasina waxa ay dawladooda ku cadaadinayaan in la helo bedelka quwada Nuclearka si dhakhso ah.
Raiisul wasaaraha dalka Japan Yoshihiko Noda oo khudbad u jeediyay dadkii tiiraanyeysnaa ee Hiroshima isugu yimi ayaa sheegay in xukuumadu la iman doonto qorshe bedqaba oo Nuclear mudada dhaw,halka xiliga fogna ay diyaarinayaan sidii looga kaaftoomi lahaa quwada Nuclearka.
SDN-Hiroshima
contact@somalidiasporanews.com