|

Sanaag: Deeq raashin ah oo la gaadhsiiyay Agoomaha Ceerigaabo iyo degmada Ceel-afwayn

Ceerigaabo 6, August 2012 (SDN)- Gudoomiyaha gobolka Sanaag Aaden Diiriye Cigaal, ayaa deeq raashin ah gaadhsiiyay 30 qoys oo Agoomo ah oo ku nool gudaha degmada Ceel-afweyn.

Deeqdan caawimada ahi waxay ka timi urur fadhigiisu yahay dalka Holland oo lagu magacaabo Nomad.

Munaasibadii gudoonsiinta deeqdan oo lagu qabtay xarunta dawlada Hoose degmada Ceel-afwayn, waxa ka qaybgalay masuuliyiinta maamulka degmada Ceel-afwayn iyo dadka danyarta ah ee deeqdan loogu talogalay.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Aaden Diiriye Cigaal oo gudoonsiinta deeqdaas ka hadlay, waxa uu xusay in deeqdani qayb ka tahay 2800 dollar oo ururka samafalka haweenka ee Nomad ee wadanka Holland ay ku soo caawiyeen dadka Agoomaha ah  ee degmoyinka Ceel-afwayn iyo Ceerigaabo.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in deeqdan lagu soo hagaajiyey xafiiska samafalka ee Madaxtooyada, waxaana uu intaa ku daray inay deeqdan qaybta degmada Ceel-afweyn ay ka faa’iidaysteen ilaa 30 qoys oo qayb ka ah dadka jilicsan ee agoomaha degmada degmadaas.

Maayarka degmada Ceel-afweyn Mursal Askar Mire oo isaguna halkaas ka hadlay, waxa uu ka waramay muhiimada deeqdaas iyo sida ay u gaadhsiiyeen dadka baahan ee loogu tallogalay, waxaanu u mahadceliyay ururka caawimadaasi ka timi.

Dhinaca, madaxa xafiiska samofalka ee gobolka Sanaag Magool Saalax Xaaji Xasan ayaa gudomiyaha gobolka Sanaag ku wareejisay 1400 oo dollar oo qayb ka aha deeqaha ururka samafalka ee wadanka Holland ay ku taakulaynayaan agoomaha magaalada Ceerigaabo iyo degmada Ceel-afwayn.

Qurbejoog.com, Ceerigaabo

editor@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed