|

Komishanka oo ka digay saamaynta ay qabsoomida doorashada ku reebayso haddii aanu Baarlamaanku wax-ka-bedel ku samaynin Xeer No.20

Hargeysa 6, August 2012 (SDN)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa sheegaya in aanay doorasho qabsoomayn sanadkan 2012 haddii ay goleyaasha Baarlamaanku markale soo celiyaan xeerka doorashooyinka Xeer N0:20.

Xubnaha KDQ oo warbaahinta la hadlay, waxay sheegeen in xeerkan oo hore Guurtida iyo Wakiiladu u soo celiyeen, loo baahan yahay in laga saaro waxyaabaha caqabada ku noqon kara qabsoomida doorashada raagtay ee Deegaanka.

Ugu horeyn, guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) oo hadal ka jeediyay shirkaa jaraa’id, waxa uu ka waramay hawlgalada Komishanku haatan wado, waxaanu xusay in saddex qodob ay qabyo ka yihiin, kuwaasoo kala ah; kuwo sharci, kuwo dhaqaale iyo doorashadii golayaasha Deegaanka. Waxa uu tilmaamay in qaybtii dhaqaalaha ee ay ka codsadeen xukuumadda iyo qaadhaan-bixiyayaashu labaduba ay u soo shubeen miisaaniyadii ay sannadkan 2012-ka ay u balanqaadeen.

Mr. Xamari waxa uu sheegay in markii laga guuray nidaamkii liiska xidhan ee murashaxiinta, lana qaatay in astaanta murashixiintu ay noqoto nambar gaar ah, loo balanqaaday in loo helayo wixii kharash ku baxaya qabashada doorashada.

Guddoomiyaha Komishanku waxa uu tilmaamay sida loogu baahan yahay in wax-ka-bedel loogu sameeyo xeerkaas oo uu dhowaan Madaxweyne Siilaanyo dib ugu celiyay golaha Wakiilada, gaar ahaan qodobka Astaanta oo wax-ka-bedelkii ay golaha Guurtidu ku sameeyeen uu caqabad ku noqday qabsoomida doorashada Deegaanka oo u qorshaysan inay sannadkan qabsoonto.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranku waxa uu hoosta ka xariiqay in dooda ay golaha wakiiladu ka yeelanayaan wax ka bedelka uu Madaxweynuhu u gudbiyay gaar ahaan hadii ay ku adkaystaan in murashixiinta loo sameeyo astaan, ay Komiishan ahaan ummada iyo qaadhaan-bixiyayaashaba u cadaynayaan in doorashadii golayaasha Deegaanku ay ka dib dhici doonto dabayaaqada sannadkan.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed