|

Dambaabkii Doorashada: Maanso uu curiyay A. A. Garas (Ma-qalloocshe)

Gabayga Danbaabkii Doorashada, waxa tiriyey Abwaan Axmed Cali Garas (Maqaloocshe), waxaanu ka tiriyey sheekooyinka naftood-hafarka ah ee ay siyaasiyiintu dadka ugu sheekeeyaan.

Gabaygan oo hab maad ah u dhacaya, waxa uu soo baxay 31/7/2012, wuxuuna ku bilaabay;

Haddii aad I Doorataan

Cadceedda Warbaan u Diri

Kuleylkaan Demi ku Odhan

Dayaxa Joogtaan ka Dhigi

Daruurta Shirbaan La geli

Halkaa ku Da’a Ayaan ku Odhan

Haddii aad I Doorataan

Intii Duuduubantiyo

Gabowga Dawaan u Heli

Dolarka aniga Sameyn

Sidii Doog idiin Baxuu

Agtiina Daadsanaan

Haddii aad I Doorataan

Wixii idin Diidaniyo

Waddamada Deriskayaga

Puntland Dacas ayaan ka Dhigan

Ethiopia Daawaan ka Dhigan

Daafida ku Dubtaan Habruhu

Kiiniya Derged baan ka Dhigi

Dabadeed Dumis ayaan ku Qori

Carabta Danbas Buuriyo

Daanka la Dhigtaan ka Dhigan

Yuhuuda Dukhsaan ka Dhigi

Dibaan u Guumeysan Yurub

Jarmalka Adhigaan u Diran

Faraans Cunahaan Digsiin

Spain Dabar baan ku Xidhi

Canada darbad-baan la Heli

Mareykan Dubbaan la Dhici

Denbina Buush-baan ku Heli

Dabadeeto Aniga Daldeli

Miksiko  Deynbaynu siin

Ruushka Darayaan Ku Qaban

Oo Dirqaa la igaga Furfuri

Afrika Dalqad-baynu furi

Dantaad garan La’dee

Daydayo Nin kalaan Ku Odhan

Haddii aad I Doorataan

Aqoonsiga Dusha Sariyo

Dagaaraan ka Keenayaa

Ma Jiro Wefti Duulayo

Dibada Meermeeraya

Diwaanka aniga Hayoo

Dawladaha Qaar ayaan Dafiri

Qaar baan darajada Ka Guri

Qaar baan Dumarka Madax Uga dhigii.

Ma hadeydaan I Dooranbaa

Dunida-ba Dabadaan u rogi

Dab iyo Qaraf ayaan ku Qaban

Fanaaniintaa Dayacan

Iyaga waan Dareersanoo

Doontii Nuux Baan Ku Rari

Durbaanada hay Tuntee

Dirirka ayaan Qayilaad u Tagi.

Waxa tiriyey  Axmed Cali Garas (Maqaloocshe)

Comments are closed