War degdeg ah: Xagta-toosiye oo lagu horjoogsaday Buuhoodle iyo wararkii u dambeeyay ee gogosha nabadeed ee lagu waday inay maanta ka furanto Bali-dhiig
Hargeysa 6, August 2012 (SDN)- Wararka ka imanaya degmada Buuhoodle, ayaa sheegaya in kooxo nabad-diid ahi is hortaageen in hoggaamiyaha SSC Saleebaan Xagla-toosiye u gudbo dhinaca degmada Bali-dhiig ee gobolka Togdheer oo lagu waday inay maanta ka furanto gogoshii nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland u fidiyay beelaha gobollada bariga qaarkood.
Xukuumadda Somaliland ayaa xalay wefti culus oo isugu jira wasiiro iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka qaarkood u dirtay furitaanka gogosha nabadeed oo lagu waday in wejigeeda koowaad maanta ka bilaabanto degmada Bali-dhiig ee gobolka Togdheer.
Weftigan oo ay ka mid yihiin; wasiirada Daakhiliga Maxamed Nuur Carraale (Duur), Madaxtooyada Xirsi Cali Xasan, guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, lataliyaha Madaxweynaha ee gobollada Bari Fuaad Aaden Cadde iyo masuuliyiin kale, waxay kala ka guureeyeen caasimadda dalka ee Hargeysa.
Warku wuxuu intaa ku daray, in weftigu xalayba gaadhay magaalada Burco oo uu ku sii hakaday, iyadoo qorshuhu ahaa inuu uga gudbo dhinaca Bali-dhiig.
Hase yeeshee, wararka qaarkood waxay sheegayaan, in weftigu weli ku sugan yahay magaalada Burco, ka dib markii saaka maleeshiyaad nabad-diid ahi si khasab ah ku joojiyeen wefti uu horkacayay hoggaamiyaha nabada qaatay ee SSC Mr. Saleebaan Xagla-toosiye oo ka soo ambabaxayay degmada Buuhoodle.
Sida uu weriye madaxbanaan oo ku sugan Buuhoodle u xaqiijiyay shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, maleeshiyaadku waxay xanibeen jidadka ka baxa magaalada Buuhoodle, si ay khasab ugu hakiyaan weftiga Xagla-toosiye oo ay odayaal deegaanka ahi ku wehelin lahaayeen.
Lama sheegin wax iska horimaad ah oo uu sababay is-hortaaga lagu sameeyay weftiga Xagla-toosiye hoggaamin lahaa, balse waxa la sheegay in xaalad ismaandhaaf ahi hadda ka aloosan tahay Buuhoodle.
La soco wixii warar ah ee ka soo hordha gogosha nabadeed ee xukuumaddu dhigtay Bali-dhiig oo ka tirsan Togdheer.