|

Madaxweyne Shariif oo isaga baxay shirkii saxeexayaasha Raodmapka,iyo qodobo la soo saaray

Nairobi August 06,2012(SDN)-Saxeexayaasha Dhabaha nabada Soomaaliya(Roadmap) ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kiinya,xili ay kulanka hareeyeen muran salka ku haya cida saxeexayaasha ka mida ee meteleysa Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

Kulanka ayaa waxa ka soo xaadiray labo wadaad oo sheegay in ay yihiin hogaamiyeyaasha dhabta ah ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo la kala yidhaahdo C/qaadir Macallin Nuur iyo Sheekh Aw-Libaax

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa arintan ku gacan seyray isla markaana sheegayin Sheekh  C/qaadir Macallin Nuur  uu yahay saxeexaha Roadmapka.

Balse waxa arrinkaa ku gacan seyray oo isku dhan ka maray dhamaan saxeexayaasha intooda kale iyo Augustine Mahiga.

Madaxweyne Shariif ayaa intaa ka dib sheegay in “meesha khiyaano laga wado,deetana wuu isaga baxay.

Shirka ayaa deeto waxa uu u sii socday Raiisul Wasaare Cabdiweli Gaas,Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan,Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin ,Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo ergeyga QM Augustine Mahiga.

Goor danbana waxa uu Ergeyga QM u sheegay saxaafada in ay sexeexayaashu isla qaateen in shuruudo lagu xiray ka mid noqoshada Baarlamaanka.oo waa in ruuxu aqoon sare lahaado,musuqmaasuqna aanu hore u gelin.

Sidoo kale Mahiga waxa uu sheegay in saxeexayaasha maanta shirka ka qeybgalay ay isla qaateen in doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka laga soo hor mariyo ta Madaxweynaha.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaan ilaa hada ka hadal sababta uu shirka uga baxay iyo sida uu arko qodobada dabadii la soo saaray.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed