Ururka Wadaniga ah ee Gaaroodi oo hanbalyo u diray Ardey China wax ku barata oo deeq waxbarasho dalka keenay
Sallaxley August 05,2012(SDN)-Ardeyda reer Somaliland ee Jaamacada China wax ka barata ayaa dhawaan waxa ay Dugsiga Hoose Dhexe ee Gaaroodi ee ku yaal Degmeda Sallaxley gaadhsiiyeen Deeq waxbarasho.
Hadaba tilaabadan ku deyashada mudan ee Ardeyda degaanku ku gacan qabteen jiilalka ka danbeeya ayaa waxa ka mahadceliyay Ururka Wadaniga ah ee Gaaroodi oo isagu gacanta ku haya Dugsigaas iyo mashaariic kale oo wax ku oola.
Qoraal uu Guddoomiyaha Ururka Samafalka ah ee Gaaroodi na soo gaarsiiyay ayaa kiyoo dhameystiran sidan u qoraa;
“Ururka Gaaroodi wuxuu hambalyo iyo soo dhowayn u dirayaa Ardayda Jaaliyada wax ka barata Jaamacadaha China ee Gaaroodi ee Kaalmada soo gaadhsiiyey Dugsiga Hoose dhexe Boodhanka Gaaroodi ee Dagmada Salaxlay, isaga oo ardaygu markiisa horeba kaalmo u baahan ayaa waxaa qiime laba jibbaaran leh marka uu arday kaalmo u fidiyo waana arrin ku dayasho mug leh mudan, waxaannu Alle uga baryeynaa Ardaydaas sida xilkasnimada muujiyey in uu aakhiro iyo adduunkaba wax wanaagsan kaga abaal mariyo .