Qarax Aad U Weyn Oo Geystey Khasaare Ayaa Ka Dhacay Degmada Hilwaa Ee Magalada Muqdisho.
Muqdisho August 05,2012(SDN)- Wararka rasmiga ah ee naga soo gaadhaya degmadda Hilwaa ee gobolk Banaadir ayaa sheegaya in qarax ka dhacay degmadaasi meel ka mida fagaarayaasha degmadaasi, qaraxaasina uu ahaa mid aad u xoogan isla markaana geystey khasaare iyo argagax aad u xoogan..
Qaraxaasi waxa uu ka oogsaday oo uu ka dhacay badhtamaha suuqa loo yaqaan Daryeel ee degmadaasi Hilwaa ku yaala, qaraxaasi waxa uu ahaa miino dhulka lagu aasayey kadibna qarxay.
Warkii uu Gudoomiyaha degmadaasi Hilwaa Mr. Omar Jacfaan, uu siiyey warbaahinta goobjooga ahayd ayaa waxa uu u sheegay in qaraxaasi ahaa miino dhulka lagu aasay, balse minadaasi waxa ay ku qaraxday kuwo ka mida dadkii aasayey laba ka mida ah.Waxa kale oo uu sheegay in ay dhawaan maamulka degmadaasi ay shaacin doonaa labadaa nin ee miinda la beegsanayey dadka raydka ah balse Alleh iyagii ku qarxiyey.Waxa aynu sugnaaba waa meydedkii labadaa argagaxiso ee umada u soo maleegayey mushkilada iyo dhagarta.
Somalidiasporanews