Hogaamiyaha Guud ee Xarakada Akhwaanka Masar oo kulan la qaatay Madaxa xarakada Al Islaax ee Soomaaliya
Qahira August 05,2012(SDN)-Madaxa Xarakada Akhwaanul Muslimiin ee dalka Masar Murshid Dr. Muxamed Badiye ayaa kulan xafiiskiisa Qaahira kula yeeshay madaxa xarakada Al Islaax ee dalkaSoomaaliya Dr Cali Baashi Cumar.
Madaxa Al Islaax ee Soomaaliya ayaa hogaamiyaha Akhwaanka uga hanbalyeeyay guushii uu dhawaanta ka soo hooyay doorashooyinkii madaxtooyada dalka Masar Dr Maxamed Mursi.
Murshi Dr Maxamed Badiya ayaa dhankiisa ka hanbalyeeyay Dr Cali Baashe hawlaha adag ee ay haatan ka wadaan walaalaha Al Islaax dalka Soomaaliya iyada oo marxalad adag lagu jiro.
Kulanka waxa labada Masuul ku weheliyay madax labada dhanba ka kala socotay oo ay ka mid ahaayeen,dhanka Masar Mr. Juma Amin, Dr. Rashad Bayoumi iyo Dr. Mohamed Izzat.
Halka ay Dr Cali Baashe ay kulanka ku weheliyeen Madixii Hore ee Islaax Dr Cali Sheekh Maxamed oo haatana ah Madaxa Jaamacada Muqdisho iyo Sheekh Ibraahim Shariif oo xubin ka ah gollaha Shuurada ee Al Islaax.
Kulankan ayaa imanaya xili ay xarakada Al Islaax ka dhex taagan yihiin murano dhanka hogaanka ah oo shuyuukhda u sareysa xarakadaasi ereyo aan munaasib ahyen isku weydaarsanayeen saxaafada.
Dhawaan ayuunbay aheyd kolkii uu Sheekh Maxamed Gadhyare oo mudo dheer madax ka soo ahaa xarakada uusheegay in aanu Dr Cali Baashi u aqoonsaneyn in uu yahay madaxa Al Islaax.
Waxaanad moodaa in khlaafkasi uu yahay ka haatan keenay in madaxa Akhwaanka guud ee Masar in la iskula tago.
SDN-Qaahira
contact@somalidiasporanews.com