|

Gudoomiyaha Golaha Sharci Dejinta Mr. A/Ciro, Xilkii Waxa Uu Ka Dhigtay Shaadh Uu Xidho Marna Siilaanyo Uu u Bixiyo

In mudo ahba waxa taagnaa muran xoogan oo ku saabsan doorashooyinka golaha deegaanka, murankaas oo uu curiyey abuurayna gudoomiyaha golaha sharci dejinta Cirro, isagoo qiil u raadinaya ururrka uu sida sharci darada ah u samaystay ee Wadani iyo muraado uu u filinayo xukuumada Siilaanyo.Waxa hore aynu ugu ogeyn in uu ku kacay fal lid ku ah jiritaanka qaranka JSl, isagoo u adeegaya ganacsato ree Jabuuti ah.Murankaa uu abuuray masuulkii aynu u dooranay xilka qaranka ee ahaa madaxa golaha sharci dejinta ayaa ah mid ay ka dhalan karto cawaaqib xumo iyo iska hor imaadyo sababa mushkilado aan laga soo kaban cawaaqib xumidxumida ka dhalan karta, masuulka golaha sharci dejintu waxa uu xalaashaday boob iyo iska indho tir sharciga qaranka iyo xasiloonidarada uu bulsho weynta JSL ka dhex aloosayo. Maaha markii koowaad ama sadexaad ee uu si baahsan u soo alooso xisilooni daro iyo muran hunguri iyo dantiisa gaari ay hageyso.

Waa arrin mucjiso ah in masuulkii ummadu dooratay uu mushkiladaha iyo dhubaatooyinka uu isagu soo abaabulo, waxa ay xukuumada siilaanyo ay ku ceebeysan tahay in ay gacan saar hoose oo dan shakhsiyaad ay la yeelato gudoomiyaha golaha xildhibaanada ee Cirro, waxa aynu la wada soconaa in Ciro uu qaadacay inadhana ka lalinayo talooyinkii Koomishinka doorashooyinka Somaliland iyo Deeq bixiyayaasha Caalamka.

Hadii aan laga hor tegin khatarta ka dhalan karta mushkiladahaa ka unkamaya danaha shakhsiga waxa aynu ka deydeyi doonaa meel dheer nabada iyo xasiloonida ummada reer somaaliland ay haysato maanta.Masuulka tiisa ka horeysiinaya ta caamka ahna waa in laga digtoonaadaa in lagana ilaaliyaa xilka qarana kuwa hada saarana waa in doorasho lagaga qaadaa xilkaa ay siday doonaan ugu tagri falayaan.

Mr.Ciro, waxa uu ku sifoobay masuuliyad daro iyo xukun maroorsi intii uu saxada siyaasada tareenkeeda uu muxawilka ku soo saaray Eng-faisal Ali Waraabe. Mr.Ciro, waxa uu ka barto Eng-Faisal, daayoo waxa uu soo kordhiyo oon ka ahyn lugooyo ilaa hada taariikhdu ma qoreyso, waxa uu lug isgu taagay una hagar baxay in uu xusbigii qaranka ee UCID ee uu ka midka xilka sare ka hayey in uu khiyaamo burburintiisana buraashada u soo biyeystay.

Hadaba waxa ayaan daro ah in uu xil qaran isu soo taago ummadana weydiisto VOTE iyo kaalmo, waana waxaan dhici doonin in ay dadku iska daba galaan sidii Riyo geydhe loo daadinaya. Mushtamaca reer somaliland waxa ka go’an in ay masuulka ay xilka u dhiibanayaan ay hubiyaan taariikhdiisa iyo dadnimadiisa labadaba.

Dawlada Siilaanyo waxa laga rabaa in ay taariikhda dib u eegto oo ay ka talaabsato carqaladahii ay ku eedeynayeen Riyaale maamulkiisii, doorashaduna waa in ay qabsoontaa xiligii ku haboonaa iyadoon cidina ka dhex bidhaamineynin dan gaara waayo waa howl qaran oo muwaadiniintu u simantahay.

Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe

Comments are closed