|

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo fadhi aan caadi ahayn ugu baaqay mudaneyaasha golaha iyo nuxurka wargelin uu soosaaray

Hargeysa 4, August 2012 (SDN)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C,raxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa qoraal uu maanta soo saaray waxa uu ugu baaqay mudanayaasha wolaha Wakiilada ee Somaliland inay isugu yimaadaan fadhi aan caadi ahayn.

Qoraalka guddoomiyaha oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakadda Somalidiasporanews.co/Qurbejoog.com, waxa uu u dhignaa sidan;

“Markaan arkay Qodobka 46aad,Faqradiisa 2aad ee “b” ee dastuurka Somaliland.

Markaan arkay Qodobka 8aad,Faqradiisa 2aad,Xarafka “b” ee Xeer hoosaadka golaha Wakiilada.

Markaan Tixgeliyay Codsiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee ku taariikhaysan 01.08.2012,kuna saabsan in golaha la isugu yeedho kalfadhi aan caadi ahayn .

Waxaa dhamaan Mudanayaasha Golaha Wakiilada loogu yeedhayaa kalfadhi aan caadi ahayn oo furmi doona maalinta salaasada 7da bishan sideedaad,si ay u gutaan ayuu gudoomiyuhu yidhi waajib dastuuri ah.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed