|

Somaliland dal aan weli la aqoonsan oo hadana leh laba madaxweyne

Jabuuti August 04,2012(SDN)-Waxa dhawrkii todobaad ee ina dhaafay aanu heleynay xogo tibaaxaya sida uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti gacanta ugu dhigay inta badan siyaasiyinta Somaliland ee haatan ka kala tirsan golleyaasha qaranka.

Madaxweynaha Jabuuti oo sii maraya qeyb qoyskiisa ka mida ayaa muda haatan ku hawlanaa sidii uu isu hoos keeni lahaa guud ahaan siyaasiyiinta reer Somaliland si uu isaga mooso lkacdoono siyasadeed oo dhanka dhulka uga soo gudba.

Madaxweynuhu waxa sidoo kale uu xooga saaray sidii uu ganacsiga Somaliland ugu yeelan lahaa saami weyn,oo waxa uu maalgeliyay mashaariic baaxad leh oo dhan walba taabanaya.

Xogta ugu naxdinta badanise waxa ay soo shaacbaxday dhawaan kolkii la helay xogo muujinaya lacago Jabuuti looga soo diray masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Wakiilada iyo Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.

Siismada lacagaha Guddoomiyaha Wakiilada Md Cabdiraxmaan Cirro waxa ay muujisay dagaalka ay Jabuuti ku qaaday xisbigii UCID ee isagu leh Hogaamiye aan cidna u joojin qadiyada Somaliland.

Sidoo kale waxa Hargeysa caadi ka ah in aad maqasho wasiir hebel iyo xildhibaan hebel waxa ay heystaan oo ku dhoofaan Passaport Jabuuti ah.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kolkii uu xilka la wareegay la soo baxay hab dhaqano aan hore loogu arag shakhsiyadiisa iyo siyaasada Somalilanba,dad badan oo ay madaxweynaha mudo isku dhawaayeen ayaa qaba in isbedelkani uu salka ku hayo hagid uga imaneysa Jabuuti,oo aanu talada dalka u madax banaaneyn.

Hadab isweydiintu waxa ay noqoneysaa madaxweynaha Somaliland ragan uu isku xeeray ma isageey ka amr qaatan mise Jabuuti?

Madaxweyne la doortayse mid kolba mudada kororsadaa siyaasada ma ku hagi karaa?

SDN-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed