|

Ujeedada dhabta ah ee Ciidamada Kiinya ugaleen Soomaaliya oo la shaaciyay

Muqdisho August 04,2012(SDN)-Warbixin dheer oo ay daabacday barta Internetka ee UPI ayaa lagu faaqiday sababta dhabta ah ee ciidamada dalka Kiinya u soo galeen dalka Soomaaliya oo ay haatan mudo ku sugan yihiin.

Warbixinta UPI ay daabacday ayaa ka waramaysa sida dawlada Kiinya isku tustay in hadii ay kooxda Shabaabka ka saarto degaanada Koonfurta ee ay ka arimiyaan in ay cidlo ka helayaan shidaalka ceegaaga badaha koonfureed ee dalka.

Dawlada Kiinya ayaa Eni iyo Total waxa ay kala siisay qandaraasyo ay ka qeyliyeen madaxda dawlada dalka Soomaaliya.

Qandaraasyada ayaa ogolaasho u siinaya shirkadahan in ay shidaal baaris ka sameeyaan dhulka Soomaaliya.

Jen Alic, oo arimaha shidaalka uga waramay barta Internetka ee OilPrice.com,ayaa UPI u sheegay in laga shakiyi karo isku soo beegmida ciidamada Kiinya ee galay Soomaaliya iyo qandaraasyada shidaal baarista.

Cabdilaahi Maxamuud oo ah Agaasimaha urur la yidhaahdo East African Energy Forum ayaa isna UPI u sheegay in Kiinya faro gelin ku heyso dhul badeedka Soomaaliya.

“Ujjeedada ciidamada Kiinya ay u galeen koonfurta Soomaaliya waxa ay aheyd in ay gacanta u gasho dhulka shidaalku ceegaago ee Soomaaliya QM u xukuntay sanadii 1982dii”ayuu yiri Cabdilaahi Maxamuud.

East African Energy Forum ayaa qaba in dhulka Soomaaliya uu yahay ka shanaad ee ugu Shidaalka badan dunida.

UPI ayaase waxbixinta ku xustay in shidaalkan haatan laga baarayo Soomaaliya ay dhici karto in uu sii huriyo colaada Soomaaliya,hadii aanay iminaba xaalku sidaa aheyn.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews

Comments are closed