Xukuumadda Badbaado Qaran oo u mahadcelisay khaban qaabayaashii Shirka Odayaasha Dhaqanka
Muqdisho, 03, 2012(SDN)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa aad ugu mahadcelisay khaban qaabayaasha Shirkii Ansixinta Dastuurka oo ay ugu horeeyaan C/fitaax Maxamed C/nuur iyo Kamaal Xasan Guutaale.
Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa mahad balaaran u soo jeediyay Dhalinyaradii ka qeybqaadatay khaban qaabadii Shirka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee igu yimid Magaalada Muqdisho, Si ay u samatabixiyaan Shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan mahad balaaran u soo jeedinayaa Dhalanyaradii ka qeybqaadatay khaban qaabada Shirka waxaan si gaarah ugu mahadcelinayaa Kamaal iyo C/fitaax oo runtii gacan weyn ka geystay sidii uu ku qabsoomi lahaa Shirka, Iyagoo muujiyay dadaal aan marna la maleyn karin, Waxaana madaxda dowladda u sheegayaa in dhalinyaradaa la dhiiro geliyo waayo waxay qabteen howl ku dayasho mudan” ayuu yiri.
Wuxuuna sidoo kale Wasiirka u mahadceliyay Mas’uulkii in muda ah gacanta ku hayay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee Suldaan, wuxuuna runtii ku amaaney in uu marti geliyay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, Iyadoo aan Beesha Caalamka wax dhaqaalo ah ku bixinin Ergada ayuu si geesinimo leh mudo dhow 4 bilood hayay.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa isna sidoo kale u mahadceliyay howlwadeenadii Shirka iyo waliba cidii martigelisay Odayaasha Dhaqanka.
Wuxuuna intaasi ku daray in ay muhiim tahay in la wada shaqeeyo oo si wada jir ah loogu shaqeeyo dalka iyo Ummada Soomaaliyeed, Waxaase mahad leh in maanta wixii aan in muda ahba ka soo shaqeyneena ay noo hirgashay islamarkaana aan ka baxney KMG, Waxaa noqoney dowladd rasmi ah himiladii aan la heyna waan gaareney, marka waxaa la doonayaa in dalka dib u dhiskiisa laga shaqeeyo.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com