|

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo xalay Casho sharaf u sameeyay Golaha Wasiiradda iyo Marti sharaf kale

Muqdisho August 03,2012(SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay Casho Sharaf u sameeyay Golaha Wasiiradda iyo Marti sharaf kale iyadoona Munaasabad lagu  xirayay Ansixintii Dastuurka dalka lagu qabtay hoyga Ra’iisul Wasaaraha.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhamaan Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Badbaado Qaran, Xildhibaano, Ururada Haweenka, Ururka Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Waxaana munaasabada lagu soo bandhigay Suugaan ka tarjumeysay Waxqabadkii Xukuumadda Badbaado Qaran iyo Heeso.

Ugu horeyntii Wasiirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaaliga ee Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay Xukuumada uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Dr.Cabdiweli ay ku guuleysatay iney dalka ka saarto mar xaladii adkeyd gaarsiiseyna dalka inuu yeesho Dastuur kana gudubto mar xaladii KMG.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga  Xuseen Carab Ciise ayaa munaasabada ka hadlay isagoona tilmaamay in Xukuumadda Badbaado Qaran ay waxbadan ka qabatay dalka gaar ahaan Amaanka.

“Waad u xuusataan markaan imaaneyney sida uu ahaa Amaanka dalka gaar ahaan Caasimada Muqdisho, maanta waad aragtaan Gobaladii ayaa la gaarsiiyay Amniga oo laga xureeyay Kooxihii Nabad diidka ahaa ee Al-Shabaab” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali iyo Wasiiru-dowlaha Dhalinyarada iyo Sports-ka C/laahi Sheekh Cali “Qaloocoow” ayaa waxaa Shahaado Sharaf ku doon siiyay Ururka Dhalinyaradda Qaranka Soomaaliyeed taa oo ay ku muteysteen Waxqabadkooda ee Xukuumadda Badbaado Qaran.

Wuxuuna Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyay Munaasabadda, Wuxuuna aad uga hadlay Waxqabadkii ay la yimaadeen Golahiisa Wasiiradda islamarkaana ay wax badan ku soo kordhiyeen xaaladda Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay dowrka dhalinyaradda Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dalka balse waxa uu ka tiiraanyooday xaaladda dhalinyaradda Soomaaliyeed ee aan helin Shaqo iyo Waxbarasho balse waxa uu tilmaamay in dhalinyaradda ay yihiin kuwa dalka dhisayo.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed