|

Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland oo ka hadlay gaadiid hore loogala goostay oo ay maanta gacanta kaga dhigeen kooxda Khaatumo State

Hargeysa 02, August 2012 (SDN)- Ciidamada Qaranka ee Somaliland jiida hore, ayaa 2:30pm ee maanta gacanta ku dhigay laba gaadhi oo nooca gaashaaman ah iyo hal Landcruser oo kuwa raaxada ah, kuwaasoo lagala soo goostay kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo State.

Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Somaliland Col. Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) oo war qoraal ah soosaaray, waxa uu sheegay in labada gaadhi ee Tiknikada ah noocoodu kala yihiin GMC iyo mid Toyota ah oo qori saaran yahay.

Taliyuhu waxa uu cadeeyay in labada gaadhi ee Tiknikada ah bishii March ee sannadkan lagala baxsaday Ciidamada Qaranka, isla markaana loola galay kooxda nabad-diidkaah, halka gaadhiga Landcruserka ahna lagu sheegay inuu yahay kii lagu dilay labadii nin ee watay ee laga dhacay tuulada Gawsa-weyne.

Warku wuxuu intaa ku daray, in gaadiidkaasi ay ku sugan yihiin fadhiisinka hore ee ciidamada qaranka ee deegaanka Gambadha ee gobolka Sool.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed