|

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo gudoontay qalab loogu talogalay xafiisyadeeda 5 ka mid ah gobollada cusub ee Somaliland

Hargeysa 02, August 2012 (SDN)- Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Samsam Cabdi Aaden, ayaa qalab loogu talogalay xafiisyada wasaaraddaas ee 5 gobol oo dalka ah ka gudoontay hay’adda Mercy Corps.

Qalabkan waxa loogu talogalay xafiisyada 5 gobol oo ka mid ah gobolada cusub ee Somaliland, gobollada Saraar, Oodweyne, Badhan, Hawd iyo Selal.

Ugu horeyn, waxa munaasibadii lagula kala wareegayey qalabkaasi ka hadlay Francis Butichi oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee hay’ada Mercy Corps, waxaanu sheegay in qalabkani ay ugu tallo galeen Xafiisyada wasarada Waxbarashadu ay ku leedahay 5 Gobol oo ka mid aha Gobolada cusub ee Soamliland.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Samsam Cabdi Aadan ayaa soo dhaweysay qalabkaasi, iyada oo hay’adana uga mahadcelisay sida ay markasta ula shaqeeyan wasaarada Waxbarashada, waxayna intaas ku dartay inay rejaynayso in qalabkani uu wax weyn ka taro baahida dhinaca waxbarshada ee gobolada loogu talogalay.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed