|

Hargeysa: Nuxurka kulan dhexmaray Komishanka Doorashooyinka iyo Xisbiyada kumeel-gaadhka ah iyo 9-ka urur ee cusub

Hargeysa 02, August 2012 (SDN)- Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa maanta kulan lagu gorfaynaayo qaabka qabsoomiyaddda doorashada golaha Deegaanka la yeeshay  saddexda xisbi qaran iyo sagaalka urur-siyaasadeed.

Kulan oo ay albaabadu u xidhnaayeen, waxa markii uu dhamaaday ay warbaahintu wax ka waydiiysay waxyaabihii laga wadahadalay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta  ururada iyo xisbiyada qaranka oo sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii ay labadooda dhinac ka wada hadleen,iyagoo sheegay in ay ujeedada ugu weyni ee kulankani la xidhiidhay sidii looga wada tashan lahaa qaabka ugu habboon ee ay u qabsoomi karaan  doorashooyinka golaha deegaanka dalka.

Guddoomiye ku-xegeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed  oo ka waramay waxbaaha shirkan laga wada hadlay  ayaa sheegay in kulankan ay kaga wada xaajoodeen habka ugu habboon ee  loo qaban karo doorashooyinka  golayaasha  deegaanka ee dalka,isla markaana ay waxbadan iska waydiiyeen. Sidoo kale, waxay sheegeen msuuliyiinta ka socotay  ururada iyo xisbiyada in laga wada hadlay  sidii ay  doorashadu ku dhicilayd  inta ka horaysa dhammaadka sannadkan  iyagoo intaas ku daray inay ka wadda xaajoodeen oo kale  astaanta musharixiinta  oo ku jirtay Xeerkii ay dhawaan meelmariyeen Golayaasha Baarlamanka Somaliland.

Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) oo ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga UCID kana qaybgalay shirkan  maanta ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin su’aalaha dul-hoganaaya qabsoomidda doorashooyinka golaha deegaanka oo  uu ku tilmaamay mid guul darro  u muuqata in xukuumadda oo talada haysay  muddo 2 sanno ah ay aanay wali ku guulaysan qabashada doorasho kaliya.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed