Sidee ba xal loogu heli kara dhismaha Warshada Sibidhka Berbera?
London August 01,2012(SDN)-Waxan halkan marka hore ka salaamaya dhamaan akhristayaashii sida fiican ugaga hadlay labadaydii maqaal ee kala ah (Maxa hortaagan maalgashiga dalkeena , Qaytii 1aad iyo Qaybtii labaadba). Kuwaasoo dhamaantood soo dhaweeyay ra’yigii ahaa Somaliand Hantiilayashoodu iyaga hagraday inay wadanka warshada ka sameeyan mudadii dheerayd ay Somaliland nabad ku naaloonaysay. Maqaaladihi aan qoray waxad markhaati ka ahaydeen in rag ka mid ah aanay jeclaysan qoraalkaa iyagoo beerlaxawsi dadka uga dhigaya inanay iyagu ahayn (sole Trader) ama Mulkiile oo ahaa habkii qadiimiga ahaa ee ganacsigu caalamku ku bilaabmay quruun ka hor.
Waxa kale oo aan idin sheegaya in labadii maqaal ee hore ee aan u diray Wargaysyada Somaliland kuwa ugu waaweyn iyo websityaadkale in aanay daabicin , sababta aan arrinta u fahmay oo ahayd iyagoo oo culays kaga yimi rag ka mid ah raga aan aan ku magacaabay inay yihin mulkiilayaal keligood. Markai wargeysyada diiday inay daabacana waxan ka dacweeyay uruka Saxafiyeenta ee Somaliland oo ii sheegay inay arrinta baadhiyaan.
ِ
Halhays bay Somalidu u leedahay odhanaaya, Bal eeg waaka imikaba ee maana Soodaanta keenay. Waxay maalqabeenadu qiiq isku qariyaanba oo isku dayaan inay diidiifiyaan wixii aan ka qoray. Waxad hadaba dhegihiina ku soo dhacaya khilaafkii warshada Sibidhka oo dib u bilaabmay. Kaasoo ka kooban dad doonaya inay helaan shirkad keliya oo dadkoo oo dhan u furan usoo bandhigay si loo sameyo warshada Sibidhka, meesha ay ku kalana doonayan inay noqdaan mulkiile keligii qaata khayraadka dalka. Kaasoo aan odhan karno waa cudurkii dalkani u yeelan waayay warshada isagoo 20 sanadood deganna taana horaan ugu sharxay maqaaladaydii hore oo aad ka heli karta warbaahinta qaar ka mid ah.
Hadaba waxan kula talinaya shacabka iyo dawladaba in haddii la raaco qodobadan soo socda Xal kama danbayn ah loo heli karo arrintan ragaadisay dhismaha warshada sibidhka :
1- Horta dawladu waa inay ogaata in uu Distorka JSL dhigaayo in hantida qaranka iyo khayraadkaba dalka ay ummada uga wakiiltahay dawladu.
2- In la raaco waxay hore Xukuumadu ugu talisay oo ahaa in Warshad keliya oo sibidh ah la isugu tago shicib iyo dawladba.
3- Waa inay dawladu ka qaybgasha wax ku lahaansha Warshada sibidhka (Join venture) oo noqonaaya ugu yaraan( 25% shareholder) lacagna loogama baahna iyaga inay dhigaan waayo dalkay metelaan iyo waliba waa inay ku yeeshaan ugu yaran nin masuul sare ah oo maamulka ku jira. Inta kale ee ah lahaansha( 75% shareholder) waxa yeelankara qolooyinkan shirkadaha.Taasoo noqon doonta wax lawada leeyahay.
4- shaqa bixinta inay ka koobnaadan dawlada iyo madaxda shirkada oo wada xula dadka ka shaqaynaya meesha iyadoo koonto gaar la siiyo dadka la haybsooco oo runtii xagga shaqa bixinta ku dulman, taa haddii la raacana ilaahay ilbarwaaqaleh ayuu wadanka ku eegi doona.
5- Kuwa ku doodaya Warshad labaad oo sibidh ah ba loo baahanyahay waxan ku leeyahay , ta labaad haddii loo baahdo, waxaa walaal meesha ka banaan Warshada dhuxul dhagaxeedka ee taa ha la sameyo iyana, si ay meesha uga soo baxan laba warshadood oo laga faaiido.
6- Waxa muuqata in aanay hantiilayaashu haba yaraate, habkan shirkadaha aanay aqoon u lahayn, marka waxa haboon in dawladu u furto workshop arrinta faaiidadeeda loogu macnaynaayo isla markaana loogu sheego in Garyaqaano ka caawin doonan wax isku darsiga oo aan qofna wixii laga dhacayn.
7- Arrintani waxay ku tahay dawlada tijaabo dhinaca cadaalada ah. Haddii aanay ka taxadarin hadhaw wado qaloocan oon maara loo heli doonin baa ku furmi doonta ee ha la socot, dadkeenana waan naqaan dhaqankooda siday u dhaqman.
Ugu danbayn waxan hadalkayga ku soo gunaanadaya, waar dadka hantida lahaw dadkiina iyo dalkiina u naxa oo ha laga baxo aniga keligay mulkiile noqonaaya. Waa inaad shicibkiina u naxdaan darxumaysan, qaar kood markay wadanka shaqa ka waayeen tahriibaya, kuwa joogana maalin walba waxay ka cabanayan sicir barar iyo dollar baa hoos u dhacay. Sababta taa keentay waa waxa weeye lacagti wadanka bananka loo saarayo wax ku noqonayaana aanay jirin . Sida ay Wasaarada ganacasigu daraasad ku samaysay Somaliland wax dibada wax ka soo iibsata 97%. Waxan u rajaynaya in warshada inay ka wada qaybqaatan wixii danaynaya iyagoo danta guud eegaya, kuwa kalena u abuurtaan si dhaqaalaha wadanku u kabco, shaqa abuur iyo nolol fiicana dadku u helaan.
Waxa soo qoray
Adan Jama Kahin
Master of Marketing & Business Management,
University of Bedfordshire , UK
Posgraduate of Business Management
Norwegian School of Management
Oslo, Norway