|

Ugaadha:amaanka oo la adkeegay ka dib kolkii uu dalkaasi Gaadhay nin hawlo argegixiso damacsan in uu fuliyo

Kampala July 30,2012(SDN)-Afhayeenka ciidamada Booliska ee dalka Ugaandhaya ayaa shaaca ka qaaday in dalkaasi uu gaaray nin xiriir la leh agegixisada caalamiga ah,isla markaan damacsanin uu weeraro dalkaasi ka fuliyo.

Afhayeen Samson Kuteesa ayaa sheegay in ay heleen xog tibaaxeysa in Ugaandha uu soo gaadhay Maxamed Libani Xaaji oo hay;adaha la dagaalanka argegixsadu  ku tilmaameen ruux xka mida argegixida caalemiga ah.

Afhayeenka ciidamada Booliska Ugaandha oo saxaafda la hadlay ayaa shacabka u jeediyay in ay feejignaadaan oo ay ciidmada la shaqeeyaan.

Afahyeenku waxa uu ku booriyay dadweynaha in ay ninkan oo sawirkiisa la soo bandhigay ay soo sheegaan hadii ay arkaan.

Booliska Ugaandha ayaa xogtan waxa la wadaagay hay’ado ay interpol ka mid tahay oo xaqiijiyay in Maxamed xiriir dhaw la leeyahay argegixisada caalamka.

Mareykanka ay  muwaadiniintooda ku sugan Ugaandha uga digay khatarta ka dhalan karta tegida Maxamed Libaani Xaaji e dalka Ugaandha.

SDN-Kampala

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed