|

Xafiiska samofalka Madaxtooyada oo gudoomay deeq lacageed oo ururka Nomad u fidiyay qaar ka mid ah xarumaha Agoomaha dalka

Hargeysa July, 29, 2012 (SDN)- Agaasimaha xafiiska samofalka Madaxtooyada, Aamina Maxamud Diiriye, ayaa deeq lacageed oo loogu talogalay qaar ka mid ah xarumaha Agoomaha ee dalka ka gudoontay ururka Nomad.

Deeqdan ay ku taboruceen ururka ‘Hooyo waa lama huraan ee Nomad’ oo fadhigiisu yahay dalka Holland, waxay dhan tahay $2800.

Marwo Xaliimo Cabdi  Obsiiye  oo ka socotay ururka Nomad oo hadal ka jeedisay munaasibaddii wareejinta lacagtaas, waxay tilmaamtay in lacagtan  ay ugu talogaleen xarumaha Agoomaha ee Ceerigaabo iyo Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Sidoo kale, waxay sheegtay inay hore xarunta Agoomaha ee magaalada Burco u gaadhsiiyeen deeq lacageed.

Agaasimaha xafiiska samofalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye oo iyana hadal ka jeedisay halkaas, waxay sheegtay in deeqda noocan ahi ay waxtar u leedahay baahida caruurta Agoomaha ah, isla markaasna caruurtu ay tahay meelaha ugu mudan in wax la gashado, taasi oo lagu helayo xasanaad.

Agaasimaha samofalka Madaxtooyadu waxay deeqdan lacageed uga mahadcelisay ururka Nomad ee lacagta ugu taborucay xarumaha Agoomaha ee magaalada Ceerigaabo iyo degmada Ceel-afweyn.

Ugu dambayn, waxay sheegtay in laanta xafiiskoodu ku leedahay magaalada Ceerigaabo ay u wakiilan doonaan gudbinta deeqdaas lacageed.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed