Shir lagu falanqeeyay fulinta qorshaha horumarinta qaranka ee shanta sannadood oo lagu qabtay Hargeysa
Hargeysa 29, July 2012 (SDN)- Shir lagaga wada hadlayay toosinta rukunka dhaqaale ee dalka ee qorshaha shanta sanno isla markaana ay ku kulmeen hay’adaha dawliga ah iyo kuwa caalamig ah ayaa maanta lagu qabtay caasimada dalka ee hargaysa.
Shirkan oo lagu falanqeeyay sidii loogu tabaabushayn lahaa ka dhabaynta qorshaha shanta sanadood ee horumarinta qaranka Somaliland, waxaana shir gudoominaysay wasaarada kaluumaysiga iyo kheyraadka bada.
Shirkani waxa lagaga dooday mudadii uu socday dardar galinta rukunka dhaqaalaha oo ay iska kaashanayaan dawlada Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah kaasi oo hadafkiisu yahay in la gaadhi qorshah horumarineed ee shanta sano.
Agaasimaha guud ee wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka Bada Maxamed Cilmi Aaden (Ilka-case) oo hadal ka jeediyay kulankaas, waxa uu tilmaamay muhiimada shirkan uu u leeyahay qaranka iyo sida ay lama huraanka u tahay dejinta qorshaha hour socod ee santa sano,agaasimaha Guud waxa uu sheegay in Wasaarada Kalluumaysigu ay xudun u tahay qorshaha diyaarinta. Sidoo kale Agaasimahayaasha Guud ee Wasaaradaha Ganacsiga, Abiib Axmed Cali, Maaliyada Saleebaan Jaamac Diiriye iyo madaxa xafiiska isku xidhka hay’adaha caalamiga ah ee wasaarada Qorshaynta ayaa halkaasi ka hadlay, waxayna muujiyeen muhiimada fulinta qorshahani u leedahay Somaliland.
Shirkan lagaga hadlayay taabogalinta rukunka dhaqaalaha oo hadafkiisu yahay in la gaadhi qorshaha horumarineed ee shanta sano waa mid laba biloodkiiba hal mar laysugu yimaado.
Qurbejoog.com, Hargeysa