Xukuumada Somaliland oo wargeyska Hubaal digniin ku soo dhaweysay
Hargeysa July 29,2012(SDN)-Xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo ee saxaafadu gacanta weyn ku leheyd in au xukunka laba sano ka hor la wareegto ayaan warfidiyeenada ugu habeyn sidii ay ugu liseen.
Xadhiga iyo cago jugleynta lagu hayo saxaafada ayaa gaaray heer aan hore loo arag,waxaana u danbeysay hanjabaadyo maanta ka soo yeedhay agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta Somaliland Cabdirashiid Jibriil Yusuf oo ku wejehneyd wargeys cusub oo la yidhaahdo Hubaal oo hargeysa ka soo baxa.
Agasimaha ayaa war saxaafada loogu talo galay oo uu arrinkan ka soo saaray waxa uu ku yiri;“Ummad waliba waxay leedahay sharci iyo xeer ay ku dhaqanto si ay xoriyadeeda dadkeedu si buuxda uga faa’iidaystaan.
jamhuuriyadda Somaliland waxay mudadii ay jirtay ku soo caano maashay Xoriyattul-Qawl iyo madaxbanaanid saxaafadda oo ku astaysan dastuurka dalku leeyahay.
wasaarada warfaafinta oo wada shaqayn wanaagsan la leh saxaafada xorta ah waxay bulshada somaliland ku wargelinaysaain wargayska HuBaal oo maalmihii u dambeeyay ka soo baxayay caasimada Hargaysa aanu ka mid ahayn wargaysyada u diiwaangashan , wasaarada warfaafinta, arintaasina ay leedahay saamaynteeda, sidaa awgeed waxaan faraynaa cidkasta oo gacan ku leh soo saaristiisa in ay si degdeg ah u joojiyaan,
waxaana aan u soojeedinayaa hayadaha ku shaqada leh in ay talaabada ku haboon ka qaataan.”
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com