|

Dib u Dhac ku yimi Shidaalkii Puntland laga baarayay

New York July 29,2012(SDN)-Range Resources iyo Red Emperor Resources oo labaduba shidaal baaris ka wada ceelasha Shabeelle iyo shabeele woqooyi ayaa waxa soo wejahay dib u dhac dhanka qodaalkii ay Puntland ka wadeen sida ay shaacisay shirkada labada ceelba masuulka uga ah ee Horn Petroleum.

Warbixin ay daabacday barta Internetka ee StockMarketWire.com ayaa lagu sheegay in ceel labaad oo la qodayay ka dib kolkii ceelkii hore ay soo wejahdey caqabad dhanka shidaal yari ahi uu qudhiiso noqon sidii la filayay.

Shabeelaha woqooyi oo dhawaan isna la bilaabay ayaa waxa soo baxday in shidaalka iyo ciida uu ku jiraba ay weheliyaan biyo macaan.

2,200 metres oo qodid ah ka dib shirkadahan ayaa gooansaday in lasii wado qodida tiyoo rajaduna tahay bal in la gaaro shidaalka aaga lagu tuhunsanyahay.

Qorshahan cusub ayaa ah in qodida la sii wado dherer 3,400 metres ah oo qaadanaya mudo dhan 15 ilaa 20 maalmood.

Madaxa shirkada Horn Petroleum David Grellman ayaa sheegay in inkasta oo aaney ku qanacsaneynin labada ceel ee ilaa hatan la qoday ay ciidoodo qoyan tahay,hadana buuyiri ay wanaagsan tahay rejeda ah in shidaal macaash lihi uu halkaa ku jiro.

Masuul kani waxa uu sheegay oo kale in uu ku qanacsan yahay natiijooyinkii hore ee muujinayay in aagaasi ay ku jiraan shidaal baaxad leh.

SDN-Garoowe

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed