Yemen:Qaxooti Xabsi laga saaray oo cabanaya
Sanca July 29,2012(SDN)-Qaxooti Soomaaliyi ku jirto oo xabsi ku yaal Sanaca mudo ku jiray ayaa ciidamada amaanka ee dalkaasi xoog uga saareen ka dib kolkii ay ka dhego adeegeyn amar farayay in ay halkaa isaga baxaan.
Qoxootigan oo Itoobiyaan,Eritrean iyo Soomaali ka kooban ayaa hore mudaharaadyo ka hor sameeyay laanta qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey(UNHCR).
Qaxootiga ayaa UNHCR ka dalbanayay in ay xaaladooda wax ka qabato,balse ciidamada amaanka ayaa dadkan qabqabtay oo xabsiga u xaxaabay.
Qaxootigan oo iminka dib ugu noqday in ay ka hormudaharaadaan xafiisaka UNHCR ayaa sheegay in ciidamada amniga ee Yemen in ay u awood sheegteen oo ay u isticmaaleen sunta dadka ka ilmeysiisa.
Dadkan cabanaya ayaa tiradooda lagu sheegay in ay yihiin ilaa 120 ruux oo rag,dumar iyo caruurba isugu jira.
Dadkan ayaa QM ka dalbanaya in la siiyo dhalashada dalka Yemen ama loo qaado dalal kale oo kafaalo qaada noloshooda.
Dalka Yemen ayaa haatan waxa ka taagan qalalaase siyaasadeed iyo mid colaadeedba,qaxootiga Soomaalida ee halkaa ku nool ayaa lagu eedeeyay dhawr jeer in ay ka garab dagaalamaan ciidamada falaagada ah ee xiriirka la leh Al Qaacida.
SDN-Sanca
contact@somalidiasporanews.com