UMMADA MAXAMED S.A.W,CIMRIGOODA UGU BADANI AY NOOLAADAAN WAXAA LAGU QIYAASAY 23000KUN OO MAALMOOD KUWA XISAABTAMA EE CAQLIGA U SAAXIIBKA AHINA WAY OGYIHIIN
MAHAD ILAAHAY BAA ISKA LEH DHAMAANTEED
DHamaantiin waad salaaman tihiin waxaanaan idin leeyahay ramadaan wanaagsan ilaahayna ha inaga aqbalo soonkeena caafimaadna ha inoogu dhameeyo aaamin
Waxaa lag yaabaa inay dadka qaarkood yidhaahdaan xaguu ninkani ka keenay xisaabtan
Waa sidan 365×63=22995maalmood63waa cimriga ummada maxamed s.a.w.oon ku dhuftay uun ayaamaha sanadka waxaa ii soo baxay maalmahaa
Haddaba qofka caqliga u saaxiibka ihi waxaa uu arkaa sahaydiisan yar iyo inuu bari dhiman ama caawa
Haddaan suaal ku waydiiyo oon ku idhaahdo waxaan ku siinayaa 23000kun oo dollar bi shuruud haddaad lacagtaa si fiican oo xalaal ah u isticimaasho markaad soo dhamayso waxaad ku noolaanaysaa hoteelkaa quruxda badan waxaad doontana ka cun oo cab oo seexo haddaad lacagtaa si xaaraan ah u isticmaashana waxaa kuu dirayaa jeelka keebaad dooran lahayd jawaabtu waa hoteelka markay sidani tahay bal haddaba mid ila yar eega
Ilaahay quraanka waxaa uu inooga sheekeeyey quruumo noolaan jiray iyo waxay ku sugnaayeen iyo cidhibtoodii halkay ku danbaysay ilaahay quraanka waxaa uu ina tusiyaa tusaalooyin bal si aynu caqligeena ul kaashano iyo tusaalooyin aan fahmi karno sida beeraha iyo wabiyada iyo dhagaxyada uu ilaahay u qaato inuu wax inagu tusiyo ilaahay waxaa kaloo uu wax inagu fahamsiiyaa maah maahyo dhacdooyin leh oo ilaahay ku leeyahay nabigiisii suubana s.a.w. rasuulka kariimka ahow siduu wax ogagaal kuugu waramo cidna kuuguma waranto wax ogagaalkuna waa alle
Haddaba walaalkayow bal cimriga alle ina siiyey ilaahay waxaa uu inoo siiyey oo adduunkani inooga abuurey imtixaan inuu inaga qaado oo aynu u kala shaqaysayno jano iyo naar bal haddaba eeg siduu ilaahay u naxariis badan yahay waxaa aynu wada naqaan marka imtixaanka layska qaadayo macalimiintu ardayda umma sheegto suaalaha imtixaanka iyo jawaabaha laga jawaabayo waa mabnuuc bal eeg ilaahay ilaahay waxaa uu inoogu sheegayaa quraankiisa imtixaankii waxaa uu inaga doonayo ee janada lagu galo iyo waxa naarta lagu galo markaasuu alle kaala shaqaynayaa imtixaankii oo kuu sheegayaa jawaabtii iyo sidaad janada ku galaysay naartana aad ooga badbaadaysay xagee laga helaa wanaagaasi ilaahay baan idinku dhaaryee imtixaan alle kuu sheegay jawaabihii aad janada ku galaysay waa inaan ilaahay u shugri naqnaa in badan
Oon adduunkanina ina dagin aan u aragno maalmahani sidii lagu siiyey 23kun shillin soomaali ah intaad ku noolaan wax yar markaas maxaad ba iska wqareerin adduunka ku doon si fiican dadka muslimiinta ahna iska nabad gali ha dhibin
Noqona mid farxad badan haddaaba tahay ummadii nabi maxamed sa.w. waxad tahay mid nasiib badan walaahi oo ilaahay jecel yahay u shaqayso janada oo camalkeedii uun la kaalaey ilaahay waxaa uu ina siiyey 24saacadood habeenkii iyo maalintii culimadu waxay yidhaahdeen 5salaadood iyo waysadooda iyo sunayaashooda waxay ka dhigeen45daqiiqadood intaasi buu alle ku yidhi igu caabud haddaad ka badisana ka sii fiican 23sacadood iyo 15 daqiiqana adiga ayuu ku siiyey ama seexo ama shaqayso ama wax baro .iska ilaali inaanu shaydaanku caqliga kaa daboolin adigoo waxaas oo waqti iyo nimco haya aad wax ku qabsan karto adduun iyo aakhiraba
Sidaa iyo nabad gelyo
Fuad farah