|

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo oo xabsiga u taxaabay Taliyeyaashii ciidamada gobolka

Baydhabo July 27,2012(SDN)-Ciidamaa Itoobiya ee gacanta ku haya xarunta gobolka Baay ee Baydhabo ayaa la sheegay in ay xabsiga dhigeen taliyeyaashii ciidamada Xooga iyo Booliiska ee gobolka Baay.

Xogta xadhiga taliyeyaasha ee ciidamada Itoobiya ayaa ah mid isa soo tarayay saacadihii ina dhaafay,mana cada sababta dhabta ah ee xadhigooda ka danbeysa.

Balse wararka qaar ayaa tibaaxaya in xariga saraakiisha ay qeyb ka tahay muran dhanka maamulka ah oo soo kala dhexgalay masuuliyinta goblka.

Taliyaha ciidamada Xooga ee gobolka Baay Aadan Doodshe iyo taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Aadan Biid ayaa ku xiran xabsiga dhexe ee Baydhabo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya.

Madaxda DFKMG ah ee Soomaaliya ayaan ilaa iyo haatan ka hadal xadhiga taliyeyaashan ay Itoobiya xabsiga dhigtay.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhawr bilood ka hor dib uga qabsaday kooxda Al Shabaab oo halkaa ka arriminayay mudo dhawr sanadooda.

SDN-Baydhabo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed