‘Immika (xalay) Anigu Isteeshinkaan Kaala dhex Hadlayaa, Maayarkuna Wuxuu nagu Eedaynayaa Maxaad u Hadasheen’
Caynabo 26, July 2012 (SDN/Hubaal) – Maamulka Dawladda Hoose ee Magaalada Caynabo ee Gobolka Saraar ayaa shalay Xabsigau taxaabay 4 nin oo kamid ah dadka deegaanka kadib markii sida la sheegay ay ka dhiidhiyeen dhul dan guud ah oo la balloodhaystay.
Ismaaciil Salaad (Gacayr) iyo seddex nin oo kale oo ku xidhan Saldhiga booliska ee Caynabo ayaa xadhigooda tilmaamay inuu ka dambeeyay Maayarka Magaalada Caynabo Mr Ibraahin Jaamac Maxamed (Khaliif) kadib markii ay ka hadleen dhul barxad ah oo Dawladda Hoose ka soo horjeeda oo dhisme laga bilaabay.
Mr. Gacayr oo xalay Khadka Telefoonka nagula soo xidhiidhay isaga oo ku xidhan saldhiga Caynabo waxa uu ku eedeeyay Maayorka degmadda iyo Maamulka Dawladda hoose in ay shakhsiyaad gaar ah siiyeen dhulkaas ciddii ka hadashana ay cabudhin iyo xadhig isugu daraan ‘Meesha maamulkii joogi jiray uun baa jooga, immika barxad weynoo Dawladda hoose lahayd kasoo horjeeda oo xusaska 18ka MAY iyo shirrarka kaleba lagu qaban jiray ayaa nimankii maamulka dawladda hoose qaybsadeen, way googoosteen gebigeediiba, markii aanu u nimi ee aanu nidhi meesha sideed leedihiin, annagaa dhulka haysanna ee maxaa idinka galay bay yidhaahdeen.’ Sidaa ayuu yidhi Mr. Gacayr, Waxaana isaga oo hadalkiisa sii wata uu intaa ku daray ‘Intaa waxa dheer xaruntii dawladda hoose ee cashuuraha lagu qaadi jiray oo ay bixiyeen oo niman xildhibaano golaha deegaanka ahi qaateen, Arrinkanna Maamulka gobolku waa ogyahay oo hadda baadhasaab ku xigeenkii baa jooga oo wuu ka soo horjeedsaday, waxaanu yidhi haddii wax laga qaban waayo waan is casilayaa buu taagan yahay.’.
Ismaaciil Salaad Gacayr waxa uu taxay dadka la xidhan magacyadooda iyo sababta loo xabisayba ‘Imika annagu afar nin baanu ku xidhanahayoo hadda (xalay) Isteeshinka gudihiisa ayaan kaala hadlayaa oo maanta (shalay) ayaa nala xidhay, Maayarkuna waxa uu taagan yahay oo uu nagu eedaynayaa Maxaad uga hadasheen. Immika waxaanu ku xidhanahay aniga (Ismaaciil Salaad Gacayr), nin Ayaanle Maxamed layidhaa oo wasaaradda Maalliyadda qaybta cashuuraha berriga ah, Cali Cabdillaahi iyo Cabdi Cali Oogle. Annagu bulshadii baanu nahay oo meeshaas oo fiyooraha kaliya ee magaaladu leedahay ah ayaanu ka hadalnay.’.
Xigasho: Hubaal