|

Dawlada KMG ah iyo Puntland oo isku maandhaafsan ergooyinka ansixineysa Dastuurka

Garoowe July 24,2012(SDN)-Mur hore oo ka dhashay cida xaqa u leh in ay soo xusho ergada Puntland uga qeybgaleysa ansixinta dastuurka dalka Soomaaliya ayaa u dhexeeya maamulka Puntland iyo dawlada KMG ah.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa isagu soo xulay 100 xubnood oo Puntland ku meteli doona shirka ansixinta Dastuurka dalka.

Halaka ay dawlada KMG ahina ay u ogolaatay Puntland i ay soo xusho o qura 30 xunood halka inta kale ay dawladu soo xuli doonto.

Khilaafkan ayaa sababay in wefdi wasiiro ah oo xukuumada Cabdiweli Gaas Gaas ka tirsan in ay gaaraan magaalada Garoowe si markaa ay wadahadal ula yeeshaan Madaxweyne Faroole.

Si kastaba ha ahaatee muranada cida xaqa u leh soo xulida ergada iyo habka iyo hanaanka loo ansixinayo Dastuurka dalka ayaa noqday qaar soo noq noqda.

SDN-Garoowe

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed