|

Madaxweynihii Ghana oo caawa ku geeriyooday caasimadda dalkiisa iyo dawladda oo ka hadashay dhimashada hoggaamiyahooda

Accra 24, July 2012 (SDN)- Madaxweynihii dalka Ghana John Atta Mills, ayaa goor dhawayd ku geeriyooday caasimadda dalkaas ee Accra.

Madaxweyne John Atta Mills oo dhintay isagoo da’diisu tahay 68 jir, waxa geeridiisa xaqiijiyay wasiirka Warfaafinta dalkaas Fritz Baffoud oo khadka telefoonka ugu waramay qaybta Ingiriisida ee idaacadda VOA.

Wakaalada Wararka rasmiga ah Ghana oo soo xiganaysa war ay Madaxtooyada dalkaasi soosaartay, waxay sheegtay in Madaxweyne Mills Salaasada maanta ku geeriyooday cusbatal Milateri oo ku yaala caasimadda Accra.

Sida uu warka Madaxtooyadu soosaartay sheegay, Madaxweynuhu waxa uu u geeriyooday si “degdeg ah oo lama filaan ah”, ka dib markii uu saacado kooban xanuun dareemayay.

Ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan xaalada xanuunkiisa sababay dhimashadiisa.

Sida uu dhigayo Qaanuunka wadanka Ghana, Madaxweyne kuxigeenka dalkaas John Dramani Mahama waxa uu u dhaaran doonaa si uu u bedelo hoggaamiyaha geeriyooday.

Qurbejoog.com, Accra

Comments are closed