Madaxweynaha Somaliland oo shacabka ku hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan
Hargeysa 20, July 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan munaasibada curashada Ramadaan darteed.
Sida lagu sheegay dhambaal kooban oo afhayeenka Madaxtooyadu soosaaray, Madaxweynuhu waxa uu dhambaal kaas la mid ah u diray guud ahaan shucuurta Islaamka, wuxuuna dhambaalkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay joogaanba dalka guddihiisa & Debediisaba ugu Bushaararaynaa uguna Hambalyeynayaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay ILLAAHAYna waxa uu uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo, waxa kale oo madaxwaynuhu uu Dhambaalkan mid la mida u Dirayaa Shucuurta islaamka ee Caalamka oo dhan.”
Qurbejoog.com, Hargeysa