|

Arabsiyo: Masuuliyiin ka qaybgalay munaasibad abaal-marino lagu gudoonsiiyay 30 arday oo wax ka barta dugsiga Agoomaha ee Biyo-macaane

Hargeysa 18, July 2012 (SDN)- Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibada oo uu weheliyo Maareeyaha Biyaha ee Caasimada Hargaysa, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad abaal-marino lagu gudoonsiinayay 30 arday oo wax ka barta dugsiga Agoomaha ee  Biyo-macaane ee deegaanka Arabsiyo.

Ardaydan oo ah dufcadii kowaad ee lagu furay waxaa munaasibadaas ka hadlay ganacsadaha xaaji Baxsane oo dugsigan hirgaliyay ayaa ku dheeraaday faa’iidada uu dugsigani u yeelanayo ardayda agoomaha ah ee deegaanada waxa uu xaaji baxsane intaas ku daray in ardaydan lagu bilaabay dugsiga biyo macaane ay badidoodu laga keenay deegaanka Allay-baday.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee Caasimada Hargaysa Ibraahin Siyaad Yoonis oo madashaasi ka hadlay, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in dufcadii koowaad ay meel wanaagsan ka marayaan waxbarashadii ay ku qaadanayeen dugsiga biyo Macaane ee Deegaanka Arabsiyo.

Ugu dambayn, waxa abaalmarino lagu gudoonsiiyay ardaydii ku guulaysatay kaalmaha 1aad, 2aad iyo 3aad.

Qurbejoog.com, Arabsiyo

Comments are closed