Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska gobolka Maroodi-jeex, Madax-dhaqameed iyo difaaceyaasha Xuquuqal-insaanka oo tabobar uga furmay Hargeysa
Hargeysa 18, July 2012 (SDN)- Ku-simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha ahna Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaaraddaasi Mr. Maxamed Cismaan Dubbe, ayaa maanta magaalada Hargaysa tabobar uga furay 40 xubnood oo isugu jira Taliyayaasha saldhigyada Booliska ee gobolka Maroodi-jeex, xubno ka tirsan madax-dhaqameedka iyo bulshada rayidka ah iyo qaar ka mid ah dadka u ololeeya Xuquuqul-insaanka.
Mr. Dubbe oo hadal ka jeediyey munaasabadaasi ayaa sheegay in la gaadhay xiligii saldhigyada Booliska loo fahmi lahaa meel gabbaad u ah dadweynaha si ay ugaga nabad galaan dhibaatooyinkii dibada kaga dhici lahaa waxana uu Booliska ku tilmaamay saaxiibka bulshada taasoo ah mid xiligan ka muuqata xarumaha booliska ee wadankeena. Halka sidoo kalena ku simaha agaasimaha guud uu shaaca ka qaaday in Labo saldhig boolis oo casri ah laga dhisayo magaalooyinka hargaysa iyo Burco, kuwaasoo dhismahooda hadda gacanta lagu hayo.
Kulankaasi waxaa kaloo hadalo ka soo jeediyey Madaxa dib u habaynta Booliska Abshir cabdilaahi xasan, Madaxa Nabadgelyada ee wasaaradda Arimaha gudaha Faysal Guhaad Cabdi, Suldaan Naasir Cabdi Ismaaciil iyagoo dhamaantood ka hadlay faa’iidooyinka ku jira xidhiidhka Booliska iyo dadweynaha u dhexeeya.
Qurbejoog.com, Hargeysa